Maaha Salah & Sadio Mane – Toni Kroos Oo Magacaabay Labadii Xiddig Ee Liverpool Ee Ay Culayska Gaarka Ah Saareen

Toni Kroos ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshihii Real Madrid ay ku burburisay Liverpool kulankii xalay ee lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League.

Advertisements

Los Blancos ayaa qaybtii hore si aad ah u awood badnayd iyadoo ciyaartana ku hoggaaminaysay 2-0, laakiin qaybtii dambe ayay xoogaa is yara  beddeshay Liverpool oo ay gool soo ceshatay ka hor intii aanay Vinicius ciyaarta ka dhigin 3-1.

Toni Kroos ayaa ahaa halbwolaha Real Madrid iyo laacibka sameeyey labada gool ee  hore, iyadoo laba baas oo meel fog uu ka tuuray ay goolal ku noqdeen.

Kubbad-sameeyahan ayaa daboolka ka qaaday in Real Madrid ay culays dheeraad ah saartay halka ay ka liidatay Liverpool, si ay guusha u helaan, isagoo magacaabay labadii ciyaartoy ee ay culayska dheeraadka ah saareen.

Advertisements

Kroos waxa uu shaaciyey in  kooxdiisa uu is fiican ugu shaqeeyey qorshihii ay ciyaarta usoo dejisteen, isla markaana ay culays dheeraad ah saareen Ozan Kabak iyo Nat Phillips.

“Waxyaabo badan ayaa dhacay qaybtii hore. Waxa aanu la nimid dhiiranaan dheeraad ah iyo xataa in aanu ku adkayn fulinta qorshihii ciyaarta oo isaguna noo shaqeeyey.” Ayuu yidhi Kroos.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Waxa aanu isku daynay in aanu weerarno waqti horeba sababtoo ah waxaanu ogeyn in ay beddelayaan ciyaartooyo iyo in ay ciyaartoydii difaacu ka dhaawacan yihiin.

“Waxa aanu ku fikirnay in sidaasi ugu wanaagsan tahay in aanu ka guuleysano iyo in aanu kubadda ka hayno. Dabcan kubadda waanu ka haynay, fikirkayaguna wuxuu ahaa in aanu kubadda ka hayno, ciyaartana maamulno anagoo weerar ah.

“Dhamaan arrimahani si fiican ayay noogu hirgaleen, marka aanu kubadda luminana si degdeg ah ayaanu dib ugu soo noqonaynay, taasina waxay ahayd arrin kale oo fure u ahayd bandhigyagii qaybta hore.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*