Maaha Harry Kane!! – Gary Neville Oo Tilmaamay Xiddiga Kaa Yaabinaya Oo Xulka England U Jabi Doono Haddii Uu Dhaawacmo Kahor Euros

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Gary Neville ayaa aaminsan in haddii uu dhaawacmo kabtanka kooxdiisii hore ee Harry Maguire ay dhabar jabka ugu weyn ku noqon doonto tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate.

Advertisements

Carragher iyo saaxiibkiisa falanqeynta ee Jamie Carragher ayaa labaduba ka hadlay shaxaha ay u xulan lahaayeen tartanka Euro ee xagaaga dhacaya iyo xiddigaha ay ku bilaabi lahaayeen kulanka 13-ka June ee Croatia ay kahor tagayaan.

Harry Maguire Admits England Players Baffled by Upcoming UEFA Nations League | ht_media

Iyagoo ka faaloonaya arrimaha xulka England ayuu Neville dhiibtay aragtidiisa ah in Harry Maguire oo maqnaadaa ay tababare Southgate kaga xuntahay maqnaanshaha kabtanka xulka ahna gool dhaliyaha koowaad ee Harry Kane.

Neville oo ka hadlaya xalay barnaamijka Monday Night Football ayaa yidhi “Haddii aad weydo Harry Maguire taasi dhib weyn ayay ku noqon doontaa Southgate, waxaan filayaa inay dhibkiisa ugu weyn tahay”

Advertisements

“Haddii uu kaddib ka daafacaaga dhexe ee kale ahaan kuugu soo hadho John Stones oo aad haysato Stones iyo Mings, Stones iyo Coady, Stones iyo Dier aniga iima aha”

Mar uu Carragher weydiiyay haddii maqnaanshaha Maguire uu ka weyn yahay midka Kane ayuu Gary ku jawaabay “Harry Kane waa xiddiga ugu fiican ee safkaas ku jira laakiin safkan gaarka ah haddii uu Gareth doonayo inuu ku ciyaaro afar daafac oo uu doorto shax 4-3-3, fursada kaliya ee uu shaxdaas ugu ciyaari karaa waa in Maguire taam yahay”

“Markasta waa inaad ka fikirto haddii uu hal ciyaaryahan dhaawacmo halkee ayaan tagayaa, haddii uu Harry Kane dhaawacmo waxaad dooran kartaa Marcus Rashford, Dominic Calvert-Lewin, Raheem Sterling ka weeraryahan been ah ahaan ama Phil Foden”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*