Ma Yahay Midkii Xalin Lahaa Dhibaatada Ugu Weyn Ee Old Trafford? Madaxda Man United Ee Ed Woodward Oo Kulan La Yeeshay Khabiir Ralf Rangnick & Booska Ay U Doonayaan.

Advertisements

Guddoomiye ku xigeenka Manchester United ee Ed Woodward ayaa lagu soo warramayaa inuu wada-xaajood mudo dheer ah la yeeshay Ralf Rangnick oo ah 61 jir khibrad weyn u leh booska agaasimaha ciyaaraha ee kooxaha kubadda cagta.

Booskaas ayaa ah midka loo arko halka ay dhibaatada ugu weyn ka qabto Manchester maadaama oo uusan suuqa kala iibsiga ugu jirin shaqsi leh khibrad ciyaareed si fiicana u garan kara xiddigaha kusoo baxaya kooxdooda.

Woodward oo ah ninka masuulka ka ah arrimaha suuqa ee Red Devils ayaa hanaanka uu u wado shaqadaas lagu eedeeyay iyadoo aysan wax horumar ah kooxdiisu kasoo samaynin suuqa sanadihii ugu dambeeyay.

Si kastaba, United oo raadinaysay agaasime ciyaareed oo qayb ka noqda masuuliyiinta shaqaalaysiinta kooxda ayaa haatan wada xaajood wakhti dheer ah la qaadatay Rangnick kulan uu soo agaasimay Woodward.

Rangnick oo hore usoo ahaa agaasimaha ciyaaraha ee kooxaha Red Bull Salzburg iyo RB Leipzig ayaa labadaas kooxoodba shaqo wanaagsan kasoo qabtay.

61 sano jirkan ayaa dhawaan lala xidhiidhiyay Bayern Munich oo u doonaysay ka tababare ahaan iyo inuu kooxda maamulo inta xilli ciyaareedka ka hadhay kaddib bixitaankii Niko Kovac balse wararka ayaa sheegaya inuu shaqadaas ku gacan saydhay.

Advertisements

Go’aankaas uu ka qaatay Bayern ayaa ah mid farxad gelin doona Man United iyo madaxdeeda balse lama oga haddii uu booskaas qabsan doono iyadoo sidoo kale lala xidhiidhinayo halyeeyada kooxda ee Rio Ferdinand iyo Edwin Van Der Sar.

Ugu dambayn, Rangnick waa mid sidoo kale Man United ka caawin kara saxeexyada Erling Haaland iyo Timo Werner oo ay labadaba doonayso maadaama oo ay u kala ciyaaraan kooxihiisii hore ee RB Leipzig iyo Red Bull Salzburg.

Comments are closed.