Ma Rumaysan Kartid! Ronald Koeman Oo Kala Doortay Memphis Depay & Sergio Aguero – Midkee Ayuu La Saxeexanayaa?

Tababaraha Barcelona ee Ronald Koeman ayaa kala doortay labada weeraryahan ee sida bilaashka ah ay kooxdiisu kula soo wareegi karayso xagaaga ee Sergio Aguero iyo Memphis Depay, kuwaas oo qandaraasyadooda Manchester City iyo Lyon ay ku eg yihiin bisha June ee sannadkan.

Advertisements

Sergio Aguero iyo Manchester City ayaa xalay shaaciyey in uu soo dhamaaday waayihii gool-dhaliyaha reer Argentina ee Etihad Stadium, isla markaana uu ka bixi doono marka uu soo dhamaado xilli ciyaareedku, waxaana markiiba soo baxday in Barcelona ay tahay kooxda uu kusii jeedo.

Sergio Aguero ayaa sidoo kale lala xidhiidhinaa naadiiyo ay ku jiraan Real Madrid, PSG iyo Juventus, hase yeeshee Barcelona ayaa lagu tilmaamay naadiga ugu dhow ee laacibkan la saxeexan karaya.

32 jirkan oo Man City ay sannadkii 2011kii lacag dhan £35 milyan oo Gini ay kaga soo iibsatay Atletico Madrid ayaa qoraal uu bartiisa bulshada ku daabacay ku macasalaameeyey taageereyaasha sannadaha badan sacabka u tumayay.

Advertisements

Waxa kale oo Barcelona lala xidhiidhiyey weeraryahanka kooxda Lyon ee Memphis Depay oo isagana qandaraaskiisu ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida uu qoray wargeyska kasoo baxa waddanka Spain ee SPORT, tababaraha  Barcelona ayaa kala doortay labada laacib ee Sergio Aguero iyo Memphis Depay midka uu lasoo saxeexanayo xagaaga.

Tababaraha reer Netherlands ayaan la dhacsanayn qaab ciyaareedka Sergio Aguero iyo da’diisa weynaatay inkasta oo hore loo sheegay in kooxdu ay ula soo saxeexanayso si ay ugu qanciso Lionel Messi in uu sii joogo Camp Nou.

Ronaldo Koeman ayuu wargeysku sheegay in uu doortay weeraryahanka ay isku waddanka yihiin ee Memphis Depay oo uu hore usoo layliyey waqtigii uu ahaa tababaraha xulka qaranka Holland, kaas oo uu rumysan yahay in uu ka ciyaari karo boosas kala duwan marka la barbar-dhigo Sergio Aguero oo kaliya afka hore ee weerarka ah.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*