Ma Rumaysan Kartid: Kooxaha Loogu Jecel Yahay Premier League Oo La Shaaciyey, Leeds Oo Safka Hore Timid, Man United Oo La Waayey Iyo Booska Chelsea, Liverpool Iyo Man City

Advertisements

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayay taageereyaasha ugu badan dunidu u qirsan yihiin inuu yahay kan ugu wanaagsan dunida, iyadoo 20ka kooxoodba ay yihiin kuwo maryo dhiigleh kala furta marka ay iska hor yimaaddaan.

Xili ciyaareedkan ayaa ah mid aan la saadaalin karaynin oo ay kooxuhu isku dhegsan yihiin, si ka duwan xili ciyaareedyadii ugu dambeeyey oo ay muuqanaysay in waqtiga ciidda Masiixiga ba ay kooxuhu kala tagaan.

Naadiyada ugu waaweyn ayay soo gaadhayeen guul-darrooyin aan hore xisaabtaba loogu sii darsanin, halka kooxo xili ciyaareedkii hore wacdaro dhigay oo boosaska sare soo galay ay wali la’yihiin wax guul ah, sida Sheffield United oo yaabban.

Kooxaha ku hirdamaya horyaalkan ugu wanaagsan dunida xili ciyaareedkan ayaa waxay usbuuc walba muujiyaan calaamado la diiwaangeliyo oo ay ku muujinayaan inay la dhacsan yihiin naadiyada iyo inay saluugsan yihiin, waxaanay taasi muujisaa xogta inta taageere ee jacel kooxaha, halka kuwa u muujiya nacaybkana sidooda loo diiwaangeliyo.

Shabakadda qiimaynta looga dambeeyo ee Transfermarkt ayaa waxay soo bandhigtay 20ka kooxood ee horyaalka Premier League iyo sida loo kala jecel yahay amaba kuwa loogu neceb yahay.

Transfermarkt oo adeegsanaysay qalab xog-ururin baraha bulshada ku sameeya, ayaa waxay ogaatay in Liverpool ay tahay kooxda loogu jecel yahay ee calaamadda muujisa jaclaysiga ama ka helitaanka ugu badan ka hesha baraha bulshada, laakiin waxa layaab ah in Manchester City ay ku jirto kooxaha loogu neceb yahay iyadoo fadhida kaalinta 18aad oo ay kaliya laba kooxood kasii hooseeyaan dhinaca nacaybka.

Arrinta layaabka leh ayaa waxay tahay in Manchester United oo ka mid ahaan jirtay kooxaha loogu jecel yahay ay u dhacday kaalinta tobnaad, balse ay Liverpool oo ay xafiiltamaan ay ku jirto kaalinta koowaad.

Wolves iyo Leicester City ayaa si lama filaan ah usoo kala galay kaalmaha labaad iyo saddexaad, laakiin Arsenal ayaan luminin jacaylka loo qabo, waxaanay soo gashay kaalinta afraad.

Leeds United oo sannadkan ku cusub horyaalka Premier League, dibna ugu soo laabatay 16 sannadood oo ay ka maqnayd kaddib ayaa noqotay kooxda shanaad ee loogu jecel yahay.

Halkan kaga bogo xogta boqollayda ee sida loo kala jecel yahay kooxaha Premier League:

20. Burnley – 33%

19. West Bromwich Albion – 34%

18. Manchester City – 36%

17. Brighton & Hove Albion – 40%

16. Crystal Palace – 43%

15. Fulham – 43%

14. Chelsea – 44%

13. Sheffield United – 44%

12. Aston Villa – 45%

11. West Ham United – 48%

10. Manchester United – 52%

9. Newcastle United – 53%

8. Everton – 54%

7. Southampton – 54%

6. Tottenham Hotspur – 56%

5. Leeds United – 58%

4. Arsenal – 56%

3. Leicester City – 60%

2. Wolverhampton Wanderers – 60%

1. Liverpool – 68%

Advertisements

1 Fekrad

  1. Ciyaal xaarsinal man united kuwaalateen man city oo kaalinta 18 kujirta ma aragtaan Chelsea 14 kujirta ma aragtaan caruur wax qora ladhahay kuma xumidin

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*