“Ma Garanayo Sababta Aanan U Ciyaarayn Wakhtigii Aan Filayay” – Xiddig Barcelona Ka Tirsan Oo Qirtay Inuu Khaati Taagan Yahay

Khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Miralem Pjanic ayaa shaaca ka qaaday sida uusan ula dhacsanayn siyaasada uu isaga ka leeyahay tababaraha kooxdaas ee Ronald Koeman oo aan wakhti ku filan siinayn ilaa hadda.

Advertisements

Pjanic ayaa xagaagii hore kusoo biiray Barcelona iyadoo loo arkayo saxeex weyn oo ay kooxdu samaysay kaddib markii uu Juventus kaga yimid heshiis ciyaaryahano is-dhaafsi oo uu dhinaca Juve ku aaday Arthur Melo.

Miralem oo waraysi siiyay wargeyska Telefoot ayaa sheegay inuusan haynin sababaha dhabta ah ee ka dambeeya inuusan ciyaarin wakhtigii uu rajaynayay.

Dhinaca kale xiddiga ree Bosnia ayaa caddeeyay sida uusan u quusan ee uu u rajaynayo inuu arrimaha dhinaca kale u rogo isla markaana uu taariikh kaga tago kooxda.

Advertisements

Pjanic ayaa isaga oo Telefoot la hadlayay yidhi “Sababaha dhabta ah ee aanan u ciyaarayn wakhtigii la rajaynayay, ma hayo iyaga (Sababaha)”

“Waan wadaa shaqaynta waana inaad ixtiraamto go’aanada la gaadho xataa haddii aanad ku raacsanayn, waxaan doonayaa inaan calaamadayda kaga tago kooxdan”

Dhinaca kale Miralem Pjanic oo ka hadlay kulanka adag ee ay wareega 16-ka Champions League ku balansan yihiin Paris Saint-Germain ayaa sheegay inay muhiim u tahay inay meel saaraan Paris.

“Waa kulan wareega 16-ka ah mana noqon doono mid u fudud labada kooxood midna, anaga, jamaahiirta iyo kooxdaba aad ayay muhiim noogu tahay inaanu garaacno PSG”

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*