“Ma Fiicnayn Wixii Aan Morata Ku Sameeyey, Waan Ka Raalligeliyey, Laakiin Waan Ku Qasbanaa Inaan Sidaa Sameeyo” – Fede Valverde 

Advertisements

Laacibkii Real Madrid ka badbaadiyey inay guul-darraysato xalay ee sababta u noqday inay ku guuleysato Spanish Super Cup ayaa sheegay in uu raalligeliyey weeraryahanka Atletico Madrid ee Alvaro Morata oo uu kaadh cas ku qaatay markii uu qalad ku galay xilli ay suurtogal ahayd inuu gool dhaliyo.

Valverde ayaa ciyaarta laga saaray daqiiqaddii 115aad, nasiibna uma yeelanin in uu qayb ka noqdo rikoodheyaashii kooxdiisa amaba uu garoonka soo galo xilligii la laagayey, taas beddelkeeda waxa uu sameeyey markii ay ciyaartu dhamaatay ayuu orod kusoo galay garoonka oo uu la damaashaaday asxaabtiisa oo iyaguna uga mahadceliyey qaladkii uu ku galay Morata.

Valverde oo loo doortay xiddigii garoonka, waxa uu la hadlay warbaahinta kaddib dhamaadkii ciyaarta, waxaanu yidhi: “Waan raalligeliyey Morata. May fiicnayn wixii aan ku sameeyey, laakiin waan ku qasbanaa inaan sidaa yeelo.

“Waan ku faraxsanay koobka aanu qaadnay, markii rikoodheyaashu dhamaadeenna waxaan orod kusoo galay garoonka.

“Qof walba aniga ayuu ii hambalyeeyey, kuwii ciyaarayey, kuwii aan ciyaarin iyo kuwii talooyinka isiiyey waqtigii nasashada.”

Advertisements

Valverde waxa kale oo uu ka hadlay wixii dhexmaray Tababaraha Atletico Madrid markii ay dhamaatay ciyaartu iyo hadalladii uu Zinedine Zidane ku yidhi, waxaanu yidhi: “Way i taageereen, sababtoo ah waxaan ka cadhaysnaa in aan kooxdayda hal ciyaartoy ka dhimay, balse way i caawiyeen. Simeone wuxuu iigu yimid si aanay cid kale iigu imanin.

“Aad ayaan u faraxsanahay, waxaan isku dayay inaanu dagaallano, tababarto oo aan ciyaaro, waan ku faraxsanahay wax kasta oo noloshayda ku dhacay, koobab ayaan ku guuleysanayaa, waxaanan noqonayaa aabbo.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.