Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa dhalleecayn ba’an la kulmaya kaddib markii ay kooxdiisu ka hadhay tartanka Champions League Salaasadii.
Juventus ayaa sababsatay gool laag xor ahaa oo uu waqti dambe ka dhaliyey Sergio Oliviera, kaas oo kubadda uu kasii dhex saaray lugaha Cristiano Ronaldo xilli ay ciyaartuna maraysay daqiiqaddii 115aad, waxaana sidaas wareegga siddeedda ku tagtay FC Porto, halka Juventus ay wareegga 16ka ku hadhay.
Cristiano Ronaldo ayaa ka mid ahaa ciyaartoydii isku dhigayay kubadda laadka xorta ah, waxaana uu kor u booday markii uu Oliviera kubadda laadayay, iyadoo uu waliba dhabarka u jeediyey kubadda, taasina waxay keentay in kubaddu hoostiisa marto, goolkana gasho.
Weeraryahankii hore ee Juventus ee Nicola Amoruso ayaa ka mid noqday ciyaartooyo hore iyo tababareyaal Cristiano Ronaldo dusha ka saaray eedda goolka sababta u noqday in Juventus ay ka hadho Champions League, waxaana ka horreeyey Fabio Capello iyo ciyaartooyo kale oo magac weyn.
Nicola Amoruso ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu ka baqanayay in kubaddu ay kaga dhacdo wajiga, sidaas darteedna uu kor ugu booday, dhabarkana soo jeediyey.
“Waligay Ronaldo kamaan dhigeen ciyaartoyda kubadda isku dhigaya. Wuxuu ka baqdaa in kubaddu kaga dhaco wajiga sababtoo ah wuxuu tixgeliyaa jecel yahay sawirrada.” Ayuu yidhi Nicola Amoruso.
Tababaraha Juventus ee Andrea Pirlo ayaa isku dayay inuu difaaco Cristiano Ronaldo, waxaana uu sheegay inuu isagu doortay ciyaartoyda isku dhigaysay kubadda, laakiin aanay hore u dhicin waxan oo kale, waxaanu yidhi: “Anaga ayaa dooranaya ciyaartoyda gidaarka samaynaya. Waligayo hore noogumay dhicin in aanu dhabarka jeedino, waxa laga yaabaa inay dareemeen in ay kubaddu fog tahay oo aanay khatar jirin. Waxay ahayd qalad, caadiyanna ma dhacdo, ciyaartoyduna may dareemin inay tahay xaalad halis ah, waana la naga dhaliyey.”
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora