Liverpool vs Man City & Juve vs Milan – Shan Kulan Oo Ay Tahay Inaad Daawato Isbuucaan Kana Dhici Doona Shanta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub.

Advertisements

Isbuucaan shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda yurub waxaa ka dhici doona kulamo xiiso leh, balse waxaa jira shan kulan oo ay qof walba isha ku heyso iyado lagu jaangoynayo xifaaltanka ka dhaxeeya kooxaha iyo kulamkada isbuucaas ka jira horyaalkaas.

Kulanka ugu weyn isbuucaan shanta horyaal ee ugu waaweyn wuxuu dhexmari doonaa kooxaha Liverpool iyo Manchester City maadaama labadaan kooxood ay yahiin kuwa la fahamsan yahay iney ku dagaalami doonaan horyaalka Premier League.

Kaliya kulankaas maahan, waxaa jira afar kulan oo kale oo ka jira horyaalada kale ee ugu waaweyn yurub, waxaan si kooba idinkugu qisheynaa kulamada jira, horyaalka ay ka dhacayaan, wakhtiga la ciyaari doono iyo hamiga kooxahaas

LIVERPOOL VS MAN CITY:

Maalinta: Axad

Saacadda: 7:30 Fiidnimo (XGA)

Labadaan kooxood ayaa ku kulmi doona isbuuca 12-aad ee Premier League, wuxuuna kulanka yimid xilli Reds ay dhigeeda ka sarreyso lix dhibcood, sidoo kalana difaacdayaasha horyaalka waxey raadinayaan guushoodii ugu horreysay oo ay ku gaaraan Anfield muddo ka badan 15-sano.

Kulankaan waa mid aad loo wada sugayo, Pep Guardiola kooxdiisa dhibaatooyin dhaawac ayaa ku hareereysan, balse waxey u baahan yahiin iney nafsadooda qeexaan.

Manchester City hadii ay guuldaro la kulanto waxey halis ugu jirtaa iney kaalinta 4-aad u dhacdo, weyna imaaneysaa hadii Chelsea & Leicester City ay kulamadooda guulo gaaraan isbuucaan.

JUVENTUS IYO MILAN

Maalinta: Axadf

Saacadda: 10:45 Habeenimo (XGA)

Kooxda hogaamineysa horyaalka ee Bianconerri ayaa la kulmeysa Milan oo iyana ku jirta marxalad aan fiicneyn, marwada waxey kulankii ugu dambeeyay 2-1 dirqi ah kaga badiyeen Torino halka Ac Milan ay guuldaro ka qaadatay 30-sano kadib iyadoo ku sugan San Siro kooxda Lazio kulan ka tirsan horyaalka talyaaniga.

Labada kooxood farqi weyn oo dhanka dhibcaha ayaa u dhaxeeya, balse mar walba kulanka waa mid weyn, Ronaldo ayaana sugaya inuu mar kale bilaabo hanaankiisa gooldhalineed oo lumay kulamadii ugu dambeeyay.

BAYERN MUNICH VS DORTMUND

Maalinta: Sabti

Saacadda: 8:30 Fiidnimo (XGA)

Bayern Munich oo aan heysan tababare rasmi ah ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Dortmund, kaliya farqi hal dhibic ah ayaana u dhaxeeya.

kooxda martida ah waxey fadhisaa booska 2-aad iyadoo leh 19-dhibcood, halka Bayern Munich oo difaacaneysa horyaalka ay kaalinta 4-aad la fadhiso 18-dhibcood.

Sidoo kale waxaa jira laba kulan oo aan xiiso u laheyn bulshada Soomaalida, balse darbi ah, midi waa kan dhexmari doona kooxaha isku magaalada ah ee Sevilla iyo Real Betis.

Advertisements

Kulankaan waxaa loo yaqaan (Derbi sevillano) waana kulan biyo kama dhibcaan ah, Axadda ayaa loo balansan yahay.

Sidoo kalana horyaalka faransiiska waxaa isku haya kooxaha Lyon iyo Marsielle, labadaan kooxood kulankooda waxaa loogu yeeraa (The Choc des Olympiques) waxaana lagu balansan yahay Axadda.

Comments are closed.