Liverpool vs Bayern Munich, Real Madrid vs PSG, Chelsea vs Dortmund – Isku Aadka Champions League Oo Uu Saadaaliyey Supercomputer

Isku-aadka wareegga siddeedda Champions League ayaa waxa foodda isgelin doona naadiyo waaweyn, iyadoo taageereyaashu ay nasiib u heli doonaan in ay daawadaan ciyaaro ay jeclaysan doonaan.

Advertisements

Supercomputer ayaa sii saadaaliyey isku-aadka wareegga siddeedda iyo semi-finalka Champions League oo berri si rasmi ah loo shaacin doono, waxaana kulanka ugu fudud heli doonta Manchester City oo haddii ay saadaashani rumowdo isku sii qori doonta semi-finalka inkasta oo aanay jirin koox la dhayalsan karo.

Tababare Pep Guardiola oo kooxdiisu ay tahay tan sannadkan saadaasha safka hore kaga jirta, ayaan waligeed ku guuleysanin Champions League, balse waxay wareegga siddeedda la ciyaari doonaan FC Porto oo ah kooxda ugu fudud dhamaan siddeedda naadi ee soo hadhay, sida ay muujinayso saadaashan.

Liverpool ayaa af-libaax gelaysa, waxaanay ku dhacaysaa oo ay wareegga siddeedda wada ciyaari doonaan kooxda koobka difaacanaysa ee Bayern Munich, sida Supercomputer ku sheegay saadaashan.

Advertisements
Advertisements

Jurgen Klopp oo ay kooxdiisu niyad-jab kaga jirto horyaalka Premier League ayaa ku ducaysanaya in uu helo koox fudud oo uu sii dhaafi karo illaa semi-finalka, si ay ugu suurtogeli karto in qalbi-jabka uu iskaga maydho guul uu ka gaadho Champions League, laakiin taas ayay saadaashani lid kusii tahay, inkasta oo Jimcaha si rasmi ah loo ogaan doono.

Reds ayaa xilli ciyaareedkii 2019/18 waxay 3-1 kusoo garaacday Bayern Munich ka hor intii aanay ku guuleysanin koobka Champions League.

Kooxda 13ka jeer ku guuleysatay koobka Champions League ee Real Madrid ayaa ka hor tegi doonta PSG oo wareeggii group-yada ay isku dhaceen, taas oo marna ay kooxda reer France badisay, marka kalena ay barbarro galeen.

Chelsea ayaa imtixaan adag mari doonta, waxaanay isku beegmi doonaan Borussia Dortmund oo ay hormood u yihiin Erling Haaland, Jadon Sancho iyo xiddigo kale oo da’yar oo ay adag tahay sida loo xakameeyo.

Saadaasha Supercomputer ee wareegga siddeedda Champions League waa sidan:

– Manchester City vs. Porto

– Real Madrid vs. Paris Saint-Germain

– Liverpool vs. Bayern Munich

– Chelsea vs. Borussia Dortmund.

Isla Jimcaha berri, waxa la samaynayaa isku-aadka wareegga semi-finalka iyadoo koox walba sii ogaanaysa naadiga ay la ciyaari doonto haddii ay soo gudubto.

Supercomputer ayaa marxaladdanna saadaal kasii bixiyey, inkasta oo aanu ku darin naadiyada finalka iman doona, waxaana haddii ay saadaashani rumowdo afka iska geli doona naadiyada ugu adag. Bayern Munich iyo Liverpool midkooda soo gudba ayaa ku beegmaysa Real Madrid iyo PSG kooxda soo gudubta, halka Chelsea iyo Borussia Dortmund midkooda soo baxa ay kala calaf-qadi doonaan Manchester City iyo FC Porto midkooda iska xaadiriya wareegga siddeedda.

Saadaasha isku-aadka semi-finalka Champions League ee supercomputer:

– Chelsea/Borussia Dortmund vs. Manchester City/Porto

– Liverpool/Bayern vs. Real Madrid/Paris Saint-Germain

Waqtiyada la ciyaarayo kulamada hadhay:

Lugta hore ee wareegga siddeedda: April 6/7

Lugta labaad ee wareegga siddeedda: Arpil 13/14

Lugta hore ee semi-finalka: Arpil 27/28

Lugta labaad ee semi-finalka: May 4/5

Finalka: May 29

Goobta lagu ciyaarayo: Istanbul, Turkey.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*