Liverpool Oo Wali Qabta Faa’idada Philippe Coutinho Xilli Uu Suuqa January Ka Caawin Karo Saxeexa Mid Kamida Xiddigaha Ugu Khibrada Badan Bayern Munich.

Advertisements

Kubad sameeyaha xulka qaranka Brazil iyo kooxda Bayern Munich ee Philippe Coutinho ayaa mudo ku dhaw 24 bilood kahor ka dhaqaaqay kooxda Liverpool balse kooxda ree England ayaa wali faa’ido ku heli karaysa.

Faa’idada ay Reds ku qabi karaan xiddigoodii hore ayaa ah inuu ka caawin karo saxeexa Thomas Muller oo dhibane u ah Coutinho oo booskii Bayern kala baxay isla markaana Liverpool lala xidhiidhinayo inay suuqa bisha January dalab ka gudbinayaan.

Image result for Thomas Muller Liverpool express sports

Mulller ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aansaday inuu iskaga soo dhaqaaqo kooxdiisa mudada dheer kaddib ciyaaris la’aan kusoo wajahday kooxdaas iyadoo la filayo inay kooxo badan oo Premier League ahi saf u galaan.

Walow uu bar-tilmaameed u noqon karo Man United oo ay ka go’antahay xoojinta weerarka kooxdeedu waxa sidoo kale 30 jirkan lala xidhiidhinayaa Liverpool kaddib markii la sheegay in Jurgen Klopp uu isku dayay saxeexiisa sanadkii 2017.

Advertisements

Sida laga soo xiganayo wargeyska ree Germany ee Bild, Klopp ayaa doonayay inuu sanadkii 2017 lasoo wareego Muller balse kooxdiisa ayaa wakhtigaas gabi ahaanba diiday inay dhegaysato dalabaadkii u imanayay.

Waxa xaqiiqo ah in haddiiba uu rumoobo warkani oo uu Muller usoo wareego Anfield ay sidoo kale ku adkaan doonto inuu boos ka helo saddexleyda weerarka Reds ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*