Liverpool Oo Sabab Beni’aadanimo Isaga Diiday Hotel La Dajin Lahaa Mudada Ay Ka Qeybgaleyso Koobka Kooxaha Adduunka & Sababta Oo La Kashifay.

Advertisements

Liverpool ayaa lagu soo warramayaa iney iska diiday hotel la dajin lahaa mudada ay ka qeybgaleyso koobka kooxaha Adduunka, waxaana lagu sababeeyay in lasoo bandhigay sanadkii hore warbixin sheegeysa in shaqaalaha hotel-kaas lagu xad gudbay.

Jurgen Klopp wiilashiisa ayaa heysta fursad ay koob labaad ku qaadaan fasalkaan kadib markii ay UEFA Super Cup ka xoogeen Chelsea kulan ka dhacay Istanbul, waxeyna markaan ka qeyb galayaan koobka kooxaha Adduunka maadaama ay Tottenham Hotspur ku garaacday final-kii koobka horyaalada yurub.

Tartankaan waxaa lagu qaban doonaa Qatar, balse waxaa lasoo sheegayaa in Reds ay gabi ahaan iska diiday hotel ay gudoonka sare ee FIFA u xuleen si ay u dagaan kadib markii ay sheegeen in xaalad beni’aadanimo ay ka dhacday halka loo sheegay iney dagaan.

Majaladda The Athletic ayaa shaaca ka qaaday in kooxda ka dhisan Anfield loo bandhigay iney dagaan hotel-ka Marsa Malaz Kempinski ee ku yaala jaasiiradda Pearl-Qatar.

Warbaahinta The Guardian ayaa baaritaan ay sameysay sanadkii 2018 waxey ku ogaatay in hotel-kaan ay shaqaaleysiiyeen shaqaalo qaxooti ah isla markaana ay siiyeen lacago yar oo aan u qalmin iyagoo jabinaya sharciga.

Baaritaanka la sameeyay waxaa la ogaaday in maamulka hotel-ka ay shaqaalaha qaxootiga ee ilaalada ah ay siiyaan kaliya maalintii lacag dhan 8 Pound iyagoo shaqeynaya 12-saacadood kuna shaqeynaya cimilo kulul oo heer kulkeeda lagu sheegay 45C.

Advertisements

Sidoo kale baaritaanka waxaa lagu ogaaday in qaar ka mid ah shaqaalaha aan wax fasax ah la siinin saddex iyo afar bilood, sidoo kalana ganaax culus garka loo galiyo hadii ay hurdoodaan inta ay shaqada ku jiraan.

Si kastaba waxaa lagu soo warramayaa in Liverpool ay gabi ahaanba iska diiday iney dagto hotel ay maamulkiisa sidaas xun u dhaqmayaan, waxeyna dooran doonaan meel kale.

One response to “Liverpool Oo Sabab Beni’aadanimo Isaga Diiday Hotel La Dajin Lahaa Mudada Ay Ka Qeybgaleyso Koobka Kooxaha Adduunka & Sababta Oo La Kashifay.”