Liverpool Oo Rikoodh Layaab Leh Loo Diiwaangelinayo Xilli Ay Horyaalladu Fasax Ku Jiraan

Advertisements

Liverpool ayaa loo diiwaangelin doonaa rikoodh taariikhi ah oo laga yaabo in sannado badan oo soo socda la xasuusnaado, waxaana taariikhdeeda ay samaysanaysaa xilli horyaaladii iyo tartamadii kala duwanaa hakad loo geliyey sababo la xidhiidha xanuunka Coronavirus.

Liverpool oo ah kooxda qarka u saaran inay ku guuleysato horyaalka Premier League ee 2019-20 ayaa la filayaa inay rekoodh weyn samayn doonto iyadoo garab ka helaysa maqnaanshaha uu maqan yahay horyaalku.

Rekoodhka weyn ee ay Reds isha ku hayaan ayaa ah inay doonayaan inay noqdaay kooxdii mudada ugu dheer hal xilli ciyaareed iyadoo hoggaanka haysa horyaalka qaaday waana xog ay kaga horreeyeen kaliya Chelsea iyo Man United.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkii 2014-2015 soo samaysay rekoodhka mudada ugu dheer ee Premuer League hoggaanka loo hayo kaddib 274 maalmood oo ay hoggaanka haysteen kahor intii aysan hanan.

Rekoodhka mudada ugu dheer ee hoggaanka la hayo ayay Chelsea kahor haysay Manchester United oo mudo 262 maalmood ah soo haysay hoggaanka xilli ciyaareedkii 1993/94.

Laakiin sababtoo ah faafitaanka caabuqa Corona iyo dib u dhaca ku yimid xilli ciyaareedka ayaa la micno ah in Liverpool ay haysto wadadii ay ku jabin lahayd labadaas rekoodh.

Advertisements

Liverpool ayaa haatan 220 maalmood haysay hoggaanka iyagoo 25 dhibcood oo saafi ah ku haya isla markaana ay sagaal kulan ka hadheen xilli ciyaareedka, Sidii qorshaha hore ahaa haddii horyaalku dhammaado 17-ka May walow aysan macquul ahayn waxay bar-barayn lahaayeen rekoodhka Chelsea ee 274 maalmood ah.

Sida lagu wado haddii horyaalku uu dhammaado bisha June Reds ayaa samayn doona rekoodh cusub waxaana ay gaadhi doonaan 300 maalmood iyo wax ka badan oo ay hoggaanka hayeen.

Comments are closed.