Liverpool Oo Ogaatay Halka Ay Ka Jilicsan Tahay Manchester United Iyo Halka Uu Ka Liito Bruno Fernandes

Advertisements

Waa macquul in la yidhaahdo Manchester United aad ugumay wanaagsanayn inay saxeexyo wanaagsan oo guulo gaadhsiiya ka samayso suuqa iibka ciyaartoyga sannadihii ugu dambeeyey, waxaana fashilmay oo awoodi kari waayey inay kooxda la qabsadaan ciyaartooyo waaweyn oo markii dambena si aan fiicnayn uga tegay.

Laakiin waxa jira ciyaartoy aanay marnaba su’aali ka imanin saxeexiisa, waana Bruno Fernandes oo si cajiib ah ula jaan-qaaday kooxda, isla markaana muujiyey inuu u qalmayay £47 milyan oo Gini oo ay Sporting Lisbon kaga soo iibsatay iyo xataa in kale oo la socota oo ku xidhan bandhiggiisa.

Tan iyo markii uu yimid kooxda, waxa uu laacibka reer Portugal ahaa tiir-dhexaadka kooxda iyo hoggaamiye ka saamayn batay dhamaan ciyaartoydii kale ee kooxda sii joogay.

Laacibkan ayaa caawiye ka noqday 14 gool oo horyaalka Premier League ah tan iyo bishii January ee sannadkii hore, waxaanu ka sarreeyaa dhamaan ciyaartoyda kale ee horyaalka oo aan awoodin inay caawin intaas le’eg sameeyaan.

Manchester United waxay guuleysatay 11 ciyaarood, labana waxay gashay barbarro 13 ciyaarood oo uu Bruno Fernandes goolal sameeyey amaba uu dhaliyey, waxaanay taasi caddaynaysaa in qaab ciyaareedkiisa ay kooxdu si weyn ugu tiirsan tahay.

26 jirkan ayaa United u dhaliyey 19 gool oo horyaalka Premier League, waxaana inkasta oo 9 ka mid ah ay rikoodheyaal ahaayeen ay haddana taasi muujinaysaa in xataa gool-dhalinta uu u sitto kooxdiisa.

Marka ay United timaaddo Anfield Axadda, waxay Liverpool u baahan doontaa inay si gaar ah dareen isiiso laacibkan, si ay saddexda dhibcood u heli karaan, hoggaankana ula wareegi karaan mar  kale.

Sababta Reds ay ugu qasban tahay inay laacibkan si gaar ah ula socoto ayaa waxay tahay, in 31 boqolkiiba hal-abuurka iyo goolasha kooxdiisa uu isagu sabab u yahay, isla markaana uu dhaliyey ama caawiyey goolasha, halka marka la barbar-dhigo Anthony Martial uu isagu 9 boqolkiiba kaliya qayb ka ahaa.

Wargeyska Liverpool Echo oo warbixintan aanu kasoo xiganay ayaa waxa uu tilmaamay in Bruno Fernandes oo ay Liverpool go’doomiso ay tahay mid ka caawin doonta inay garaacdo Manchester United, laakiin su’aasha ayaa waxay tahay sida ay ku go’doomin karayaan Bruno.

Ciyaartoyga inta ugu badan ka faa’iida kubbadaha Fernandes ayaa ah Marcus Rashford. Afar ka mid ah toddobada gool ee uu Bruno caawiyaha ka ahaa ee horyaalka Premier League, waxa dhaliyey Rashford, waxaana ugu dambaysay goolkii muhiimka ahaa ee uu ka dhaliyey Wolves.

Saddex ka mid ah shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey, Bruno Fernandes waxa uu baasaskiisii ugu badnaa u dhiibay Rashford marka loo eego ciyaartoyda kale, waxaana uu mar walba yahay mid aan kubadda dib u celinin ee hore u riixa.

Si ay Liverpool u wiiqdo Manchester United waxay u baahan doontaa inay xidho dariiqa xidhiidhinaya Fernandes iyo Rashford, taas oo iyaduna noqonaysa mid ka caawisa inay libinta helaan.

Laakiin haddana waxa jirta su’aal kale oo halkan ka dhalanaysa oo ah sida ay Liverpool u awoodi karto inay kubbadaha baasaska ah ka joojiso Fernandes sababtoo ah wuxuu la ciyaari karaa laacibiinta kale ee kooxdiisa haddii ay is heli waayaan Rashford.

Xalka kale ee ay Liverpool hayso ayaa waxa uu yahay in ay culays saarto Manchester United oo ay ku hayso qaybta dhinaceeda ee garoonka, si ay ugu qasbaan laacibkan inuu noqdo mid kubadda eryada oo difaaca kooxdiisa caawinaya.

Sidaas ayay Liverpool ku joojin kartaa Bruno Fernandes, taas oo haddii ay sameeyaan ay u badan tahay inay guusha helaan, hoggaanka horyaalka Premier League na dib ugu soo laabtaan.

Advertisements

7 Fekradood

  1. Utd Bruno kaliya kuma dhisna,Bogba ayaaba malmahaan kacsan, looserpool godkeeda biyo ugu soo Galeen.
    Martial marku arko kooxdaan wukacsadaa ilahey amarkiisa hhhhhh Rushford isana kaba sidaran.
    Marka aniga wxn malenayaa lfc ineey is dhiibi doonta marki 2goal loga naxsado.

  2. Wey iska kaftameen ban dhihi kara wayo Bruno wa hal nin Cavani, pogba, Matrial, io Rashford, Scott, rag halis bdan aya ka garab ciyaara Libaaxa ma cidloonayo liverpool shekadan haku lug go’ina ban u sheegi lahaa 😂😂

  3. koleyba Waxay Waran waa hal Pogba Waxaa kale waa qashin Waxay godki Anfield Kaso qaban karaan majirto ileyn laacibin Sidaa Mane, Salah,Firmino,Thiago,Robertson Iyo kuwo kalo badan meel ee joogan Baa Rashford,Bruna Iyo Martial laraba in laga horgeeyo Home&Away dhibcaha Iska sii diyaarsha.

  4. Adeer counter Attack kaliya guul laguma helo
    Ee CAR CAR yaan la arkin UNITED oo difaac ugu jirta LIVERPOOL oo wada dhaawacan
    Si sharafleh uciyaara

  5. Hhhhh war dhakhbaa meesha ku haysaane ciyaartta hala gaadho bool shidh
    Inkasttoo man United badinaysoH
    Liverpool adeeroH koopkan wadaa laydinka marinayaa bye bye

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*