Liverpool Oo Ka Guuraysa Garoonkeeda Tababarka Ee Melwood & Halka Ay Tegayaan

Advertisements

Liverpool ayaa ugu dambayn ka guuri doonta garoonkeeda tababarka ee Melwood, waxaanay tegaysaa garoon cusub oo ay ciyaartoydu ku tababaran doonaan oo dhowaan ay ku dhisteen lacag ka badan £50 milyan oo Gini.

Xarunta cusub ee tababarka oo lagu magacaabo Kirkby ayay bisha dambe ciyaartoyda iyo tababareyaashuba iska xaadirin doonaan, taas oo qorshuhu ahaa in waqti hore loo wareego balse xanuunka Korona Fayras darteed dib loogu dhigay.

Reds ayaa iibisay xarunteeda guunka ah ee Melwood ee ay muddada dheer kusoo qaadanaysay tababarka ay iskugu diyaariyaan kulamada caadiga ah, waxaanay ku gadeen lacag dhan £10 milyan oo Gini oo kaliya, laakiin waxa iibkaas la socday dookh kooxda u ogolaanaya inay xili icyaareedkan 2020-21 kusii qaadan karaan tababarka kaddib duruufihii lama filaanka ahaa ee dhacay.

Advertisements

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Jurgen Klopp ayaa ansixiyey go’aanka kama dambaysta ah ee loogu guurayo xarunta cusub oo ciyaartoydu ay iska xaadirin doonaan marka ay kasoo laabtaan fasaxa kulamada caalamiga ah ee bisha November ee foodda inagu soo haysa.

Tababare Jurgen Klopp ayaa ciyaartoydiisa ku siin doona Melwood tababarka ugu dambeeya ee ay ugu diyaar-garoobayaan kulanka Manchester City ee November 8, intaa wixii ka dambeeyana waxay u guurayaan Kirkby.

Advertisements
Xarunta cusub ee Kirkby oo £50 milyan oo Gini ay ku baxday
Garoonkan cusub ee Kirby ayaa hoy u ahaa ciyaartoyda da’yarta kooxda tan iyo sannadkii 2017kii, waxaana go’aanka loogu soo guurayo halkan ay kooxdu qaadatay markii uu tababare Jurgen Klopp usoo bandhigay madaxda kooxda in garoonkooda hore ee Melwood uu yar yahay.
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*