Liverpool Oo Hogaan 2-0 Iska Qasaarisay Islamarkaana Taako Kala Kulantay Kooxda Heerka 3aad Ee Shrewsbury Town & Kulan Ku Celis Ah Oo Lagu Qasbay

Advertisements

Liverpool ayaa lagu qasbay kulan ku celis wareega afaraad ee FA Cup ah ka dib markii ay iska qasaariyeen hogaan 2-0 ah iyagoo barbaro 2-2 kala kulmay kooxda heerka seddexaad ee Shrewsbury Town.

Tababare Klopp ayaa gabi ahaanba wada bedelay shaxdiisa laakiin xiddigaha uu ku aaminay kulankaan ayaa difaacan waayay hogaan labo gool ah iyadoo Shrewsbury ay labo gool degdeg ah heshay qeybtii labaad oo midi ay rigoore aheyd.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD:

LIVERPOOL XI (4-3-3): Adrian; Neco Williams, Joel Matip, Dejan Lovren (kabtan), Yasser Larouci; Pedro Chirivella, Fabinho, Curtis Jones; Harvey Elliott, Divock Origi, Takumi Minamino.

Kaydka: Caoimhin Kelleher, Ki-Jana Hoever, Mohamed Salah, Roberto Firmino, Trent Alexander-Arnold, Naby Keita, Alex Oxlade-Chamberlain.

SHREWSBURY XI (5-3-2): Max O’Leary; Donald Love, Ro-Shaun Williams, Ethan Ebanks-Landell, Aaron Pierre, Scott Golbourne; Oliver Norburn (c), Sean Goss, Josh Laurent; Shaun Whalley, Callum Lang.

Kaydka: David Edwards, Joe Murphy, Daniel Udoh, Jason Cummings, Sam Hart, Brad Walker, Omar Beckles.

Jurgen Klopp ayaa gabi ahaanba badalay 11 kii xidig ee uu ku soo ciyaaray labadii kulan ee ugu danbeeyay Premier League wuxuuna soo xushay shax gabi ahaanba cusub oo ay ku jireen saddex xidig oo dhaawacyo ka soo laabtay.

Daqiiqadii 15 aad da’yarkii jamaahiirta Liverpool dareenka wayn kaga helay kulankii Merseydide Derby ee Everton ee Curtis Jones ayaa markale noqday xidiga Reds goolka furitaanka kulankan uga dhayay kadib markii uu caawin fiican ka helay da’yarka kale ee edro Chirivella.

Kooxda Shrewsbury ayaa si adag u dagaalantay sidii ayna Liverpool goolal kale ku helin laakiin waxay kooxda martida loo ahaa ayaa iska lumisay laba fursadood oo ay xataa hogaanka ciyaarta kula wareegi kareen.

Daqiiqadii 24 aad kooxda Shrewsbury Town ayaa u muuqatay in ay la imanayso goolka barbaraha kadib markii ay difaaca Reds ku fashilmeen in ay joojiyaan Whalley oo ka dhex baxay wuxuuna kubbad kula soo baxsaday goolka Liverpool laakiin goolhaye Adrian ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah si uu gool cadaan ah u joojiyo.

Halkan ka daawo goolkii uu Adrian ka beeniyay Whalley ee ay Reds ciyaarta hogaanka ugu sii haysay.

Daqiiqadii 30 aad difaaca kooxda Shrewsbury ee Pierre ayaa si cadaan ah gacan ugu celiyay karoos uu soo sameeyay difaaca midig ee Liverpool ee Williams laakiin iyada oo aanu VAR goobta oolin waxa uu garsooruhu tilmaamay in ay koorne tahay halkii uu rekoodhe tilmaami lahaa.

Liverpool ayaa qaybtii hore ee ciyaarta inta ugu badan boosishanka haysatay laakiin waxay haddana nasiib ku lahaayeen in ay hogaanka ciyaarta hayeen sababtoo ah in kooxda Shrewsbury ay fursad khasaarin waa wayn samaysay.

Si kastaba ha ahaatee, qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Liverpool hogaanka ciyaarta ku haysay balse ayna natiijada ciyaarta xaqiijisan.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta waxay Liverpool sida ugu sahlan ku heshay goolkeeda labaad kadib markii uu xidigii hore ee Man United ee Donald Love uu iska dhaliyay gool lama filaan ah oo cid walba layaab ku noqday.

Difaaca uu Klopp midigta ka soo ciyaarsiiyay ee Willims ayaa kubbad ku soo karoosay xerada ganaaxa laakiin Donald Love ayaa si layaableh goolkiisa kubbada ugu dhaliyay, waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Reds hogaanka ku dheeraysatay. halkan hoose ka daawo goolkan.

Daqiiqadii 59 aad kooxda Shrewsbury ayaa markale heshay fursad gool dhalin cadaan ah kadib markii uu goolka Reds kubbad kula soo baxay Lang laakiin goolhaye Adrian ayaa kubbada banaanka u saaray si uu gool cadaan ah markale u beeniyo.

Daqiiqadii 64 aad rekoodhe!! Kooxda Shrewsbury ayaa ugu danbayn heshay goolka ay fursadaha badan u soo khasaariyeen kadib markii da’yarka Liverpool ee  Yasser Larouci lagu ciqaabay in uu galay qalad rekoodhe keenay waxaana goolka xamaasada waalida ah abuuray u dhaliyay Cummings oo jahada qaldan u diray goolhaye Adrian.

Ciyaarta ayaa noqotay 2-1 ay wali Liverpool hogaanka ku hayso balse ay kooxda Shrewsbury ay heshay xamaasad layaableh oo ay ku bilawday in ay ku raadiso goolka barbaraha.Inkasta oo ay doodi ka jirtay in Yasser Larouci uu xerada ganaaxa ku galay qaladkan, haddana VAR ayaan jirin kulankan.

Daqiiqadii 71 aad Jurgen Klopp ayaa ciyaarta ka saaray da’yarka Harvey Elliott oo aan habeen fiican qaadan wuxuuna khadka dhexe ku soo xoojiyay Alex Oxlade-Chamberlain.

DAQIIQADII 75 AAD Xiligii Waalida! Kooxda Shrewsbury ayaa si layaableh ciyaarta ugu soo laabtay kadib markii uu Jason Cummings dhaliyay goolkiisa labaad isaga oo si xun u bahdilay Dejan Lovern wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolka ay Shrewsbury ay ciyaarta kaga dhigtay barbaro 2-2 ah.

Jamaahiirta Shrewsbury ayaa dirqi looga joojiyay in ay garoonka soo dhex yaacaan waxaana shaqo adag qabtay booliiska garoonka amaankiisa ilaalinayay iyada oo xamaasadu noqotay mid waali ah.

Daqiiqadii 79 aad Klopp ayaa ciyaarta ku soo tuuray Mohamed Salah isaga oo saary Joel Matip aan qaab ciyaareed fiican la soo laaban waxaana la galay daqiiqadihii ciyaarta ugu xamaasada badnaa.

Daqiiqadii 85 aad Klopp ayaa ciyaarta soo galiyay Roberto Firmino wuxuuna saaray Minamino oo aan ka faa’iidaysan fursadii uu kulankan ka helay.

Advertisements

Daqiiqadii 89 aad Roberto Firmino ayaa u muuqday in uu markale xili danbe Liverpool u dhalinayo goolka guusha laakiin goolhayaha ayaa badbaadin wayn ka sameeyay laakiin kubbada soo booday oo uu Jones ka duulay ayaa laga joojiyay.

Liverpool iyo Shrewsbury ayaa dhamaadkii ciyaarta fursado fiican helay laakiin ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 2-2 ah iyada oo Reds lagu qasbay in ay kulan ku celis ah ku ciyaari doonaan Anfield iyada oo jamaahiirta kooxda Shrewsbury Town ay garoonka hal mar soo wada galeen markii uu garsooruhu seeriga yeeriyay

Comments are closed.