Liverpool Oo Guul Kula Wareegtay Hogaanka Group E & Borussia Dortmund Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Ka Gaartay Inter Milan

Advertisements

Liverpool ayaa la wareegtay hogaanka Group E ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda Genk oo marti ku aheyd garoonka Anfield iyadoo Napoli ay barbaro 1-1 gurigeeda kula gashay kooxda Salzburg.gurigeeda 2-1 uga badisay kooxda Genk

Liverpool ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 14aad. Origi ayaa kubad garabka bidix ugu dhigay Milner iyadoo karooskiisa uu ku dhacay lugta Cuesta. Kubada waxa helay Dewaest oo isku dayay inuu jirkiisa ku koontaroolo laakiin waa ay ka baxsatay waxaana helay Wijnaldum oo dabamariyay goolhayaha oo soo baxay.

Kooxda Genk ayaa ciyaarta barbareysay daqiiqadii 40aad markii koorno ay soo qaadeen uu u kacay Samatta kaasoo madax kubada ku dabamariyay goolhaye Alisson.

Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 53aad ayay Liverpool ku soo laabatay hogaanka ciyaarta, iyadoo Oxlade-Chamberlain uu gool kale oo qurux badan ka dhaliyay kooxda Genk oo sidoo kale shabaqa ka soo taabtay kulankii Belgium ka dhacay.

Ciyaarta waxa ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay Liverpool guusha ku raacday kuwaasoo sagaal dhibcood ku hogaaminaya Group E halka kooxda Napoli oo barbaro 1-1 la gashay ay leedahay 8 dhibcood. Salzburg ayaa iyadana leh 4 dhibcood.

Dhinaca kale kooxda Borussia Dortmund ayaa guul soo laabasho leh ka gaartay kooxda Inter Milan kuwaasoo labo gool ay ku hormareen loogu bedelay seddex gool.

Inter Milan ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta qeybtii hore markii ay shabaqa u soo taabteen Lauturo Martinez iyo Matias Vecino iyadoo 2-0 lagu kala nastay qeybtii hore.

Laakiin qeybtii labaad ayay Dortmund soo laabasho cajiib ah sameysay ka dib labo gool uu u dhaliyay Achraf Hakimi iyo gool uu u saxiixay Julian Brandt.

Advertisements

Group F oo ah group-ka dhimashada ayaa sii adkaaday iyadoo Barcelona oo barbaro goolal la’aan ah mar sii horeysay la gashay Slavia Prague ay ku hogaamineyso sideed dhibcood.

Dortmund ayaa kaalinta labaad ku jirta oo leh 7 dhibcood halka Inter Milan ay leedahay 4 dhibcood. Seddexda kooxood ayaa weli rajo ka leh u soo gudbida wareega 16ka.

One response to “Liverpool Oo Guul Kula Wareegtay Hogaanka Group E & Borussia Dortmund Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Ka Gaartay Inter Milan”