Liverpool Oo Durba Golaha Deegaanka Magaalada Kala Hadleysa Sida Ay Wadooyinka Ugu Soo Wareejin Laheyd Koobka Horyaalka Premier League.

Advertisements

Kooxda Liverpool ayaa hogaanka Premier League ku heysa 16 dhibcood iyadoo hal kulan baaqi ah gacanta li heysata, waxeyna u muuqdaan iney 30-sano kadib ku guuleysanayaan horyaal.

Iyadoo ay taasi jirto waxaa lasoo warinayaa in Reds ay durba guddiga deegaanka Liverpool kala hadleyso habkii ay hanashada horyaalka ugu dabaal dagi laheyd wadooyinka magaalada.

Sida laga soo xigtay warsidaha The Athletic, wadahalada labada dhinac ayaa si habsami leh u socda iyadoo Liverpool ay sii qorsheyneyso habkii ay koobka Premier League ugu soo wareejin laheyd guud ahaan magaalada.

18-ka May 2020 ayaa loo maleynayaa inuu dhici doono isku soo baxaan quruxda badan, balse dib ayaa loo dhigi karaa hadii ay Liverpool baaqi kusii ahaato koobka horyaalada yurub.

Liverpool looma gacan galin doono koobka Premier League ilaa uu kulan ka harsan yahay, waxeyna ciyaarta ugu dambeysa 9-ka May la leedahay Blues, inkastoo la aaminsan yahay in dhawr kulan ka hor ay xaqiijin doono hanashada.

Advertisements

Hadii labada kooxood ee Liverpool & Manchester City ay helaan guulo isku mid ah ka hor kulanka ay labadooda April ku ciyaarayaan Etihad Stadium, Reds waxey heli kartaa 4-ta April iney ku dabaal dagto garoonka Etihad waa hadii ay guul gaaraan.

Man United ayaa ah kooxda ugu fiican ee xilli hore hanatay inta la xasuusto taariikhda Premier League, April 14 ayeyna xaqiijisay sanadkii 2001, balse waxaa laga yaabaa in Reds ay ka hor xiligaas hanato.

Comments are closed.