Liverpool Oo Durba Bilowday Iney Ka Gaashaamato Weerarka Ay Juventus Kusoo Qaadi Karto Mid Ka Mid Ah Xiddigaheeda Ugu Muhiimsan.

Advertisements

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa iney hurdada ka kacday, waxeyna diyaarineysaa qorshe ay Virgil van Dijk kaga saxiixeyso heshiis cusub kadib markii la sheegay iney aad u xiiseyneyso kooxda difaacaneysa horyaalka talyaaniga ee Juventus.

28-jirkaan heerka caalami ayaa qabsaday kubadda cagta tan iyo markii ay Liverpool ka dhigtay daafaca ugu qaalisan dunida kubadda cagta bishii January 2018, wuxuuna ka caawiyay kooxda iney laba jeer oo xiriir ah tiigsato final-ka tartanka Champions League midna ay hanato, iney ku guuleysato UEFA Super Cup iyo FIFA Club World Cup, hadana wuxuu kusii wadaa iney 30-sano kadib ku guuleystaan horyaalka Ingiriiska.

Virgil van Dijk wuxuu noqday xiddiga kaalinta labaad kasoo gala abaalmarinta Ballon d’Or sanadkii tagay ee 2019, waxaana la aaminsan yahay hadda in Reds ay durba isku diyaarineyso iney heshiis cusub ka saxiixdo xiddigaan.

Advertisements

Heshiiska uu xiddiga reer Holland kula jiro Liverpool wuxuu dhacayaa 2023, balse Juventus ayaa diyaarineysa sida la sheegay adduun dhan 150 Malyan oo Pound si ay ula wareegto xiddigii hore Southampton.

Wararka waxey intaas ku darayaan in Virgil van Dijk loo kordhin doono mushaarka loogana dhigi doono 150,000 kun oo Pound isbuucii.

Waxaa jiri doona gunooyin la raacin doono kulamada uu safto, goolasha, shabaq difaacashada iyo guulaha kooxda oo dhan taasoo muddo shan sano ah ku kaceysa 50 Malyan oo Pound.

Comments are closed.