Liverpool Oo Dib U Heshay Saddex Ka Mid Ah Xiddigihii Ay U Jabtay Ee Dhaawacyada Kaga Maqnaa

Liverpool ayaa war farxad leh ka helaysa xiddigihii dhaawac kaga maqnaa oo ay qaarkood usoo laabanayaan xilli ay ay aad ugu baahan yihiin inay helaan laacibiin ka caawin karta inay iska joojiyaan guul-darrooyinka xidhiidhka ah ee kasoo gaadhaysa horyaalka Premier League.

Advertisements

Afar ciyaarood oo xidhiidh ah oo horyaalka Premier League ah ayaa Liverpool gaadhka loo geliyey usbuucyadii ugu dambeeyey, waxaana uga sii daran in dhamaan lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka ay kaliya hal guul heleen.

Tababare Jurgen Klopp oo ay kooxdiisa ragaadiyeen dhaawacyo ayaa usbuucan ay ku habsatay musiibo kale oo ah in Jordan Henderson uu dhaawac sarcanta ahi kasoo gaadhay kulankii Everton ay ku garaacday Anfield oo ahayd guul-darradii afraad ee isku xigta ee garoonkooda oo noqonaysa markii ugu horreysay ee ay sidaasi ku dhacdo muddo 98 sannadood ah.

Jordan Henderson ayaa dhaawaciisa la sheegay inuu qaadanayo muddo bil ah oo uu seegi doono illaa shan ciyaarood iyo sidoo kale kulamo isreeb-reebka Koobka Adduunka xulka qaranka England ah.

Advertisements

Kaddib warkaas xun ee aanu jeclaysanin, Jurgen Klopp ayaa hadda helay war farxad leh oo ah in kulamada soo socda uu helayo saddex ciyaartoy oo uu aad ugu baahan yahay oo dib usoo celin karaya tamartii iyo guulihii kooxda.

Naby Keita ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee kasoo dooga dhaawac uu laba bilood  ku maqnaa, waxaanu kaydka ku jiray ciyaartii Everton, hase yeeshee waxa uu taam ahaansho buuxa u yahay kulamada soo socda.

Xiddiga reer Brazil ee Fabinho oo difaaca ka ciyaarayey tan iyo markii uu dhaawacmay Virgil van Dijk bishii October ayaa isaguna kasoo nqoonaya dhaawac uu toddobaadyo ku maqnaa.

Fabinho oo 18 ciyaarood oo Premier League ah u safray Liverpool xilli ciyaareedkan ayaa kaliya afar ciyaarood ka dheelay booskiisa rasmiga ah ee difaaca kubbad-burburiyahaa ah, waxaa se soo laabashadiisa hadda ay ka dhignaan doontaa inuu ka garab ciyaari doono Ozan Kabak oo intii uu isagu dhaawaca ku maqnaa sii helay boos oo kasii garab ciyaaray Jordan Henderson.

Xiddiga kale ee uu Klopp dib u helay ayaa ah weeraryahanka reer Portugal ee Diogo Jota oo xal u noqon doona dhibaatada goolal la’aanta ah ee kooxdiisa.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*