Liverpool Mise Man City? Halyeeyga Reds Ee Jamie Carragher Oo Si Cad U Sheegay Kooxda Ugu Cad Cad Hanashada Premier League 2019-20 & Sababta.

Advertisements

Halyeeyga kooxda ree England ee Liverpool ee Jamie Carragher oo haatan shaqadiisu tahay khabiirnimo iyo door falanqeeye ayaa shaaca ka qaaday aragtidiisa iyo kooxda uu u arko inay tahay mida ugu cad cad hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan 2019-20.

Dabcan tartanka ayaa la filayaa inuu xilli ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah laba farasle noqon doono iyadoo uu tartanku markale si fool ka fool ah u dhex mari doono kooxaha Manchester City iyo Liverpool.

Kooxda bilawga ugu fiican samaysay ilaa haatan ayaa ah Liverpool oo soo guuleysatay dhammaan afartii kulan ee ay soo ciyaartay halka Manchester City oo hal kulan bar-bardhac gashay ay laba dhibcood ka dambayso Reds.

Xilli ciyaareedkii hore ayay ahayd markii kooxda Jurgen Klopp ay si toos ah hanashada horyaalka ugu eryanaysay dhigooda uu hoggaaminayay Pep Guardiola balse ugu dambayn dhinaca City ayuu horyaalku hal dhibic ku aaday.

Haddaba, Iyadoo ay sidaas tahay ayuu haatan halyeey Carragher wali kooxda horyaalka ugu cad cad u arkaa Manchester City isagoo sababta ku sharraxay inay xilli horeba horyaalka kusoo guuleysteen.

Advertisements

Jamie ayaa yidhi “Waxaan filayaa wali inay xilli hore tahay, Waxaan filayaa inaynu sugno ilaa ciida gaalada, Waxaan dareemayaa in ciida gaalada uu Liverpool iyo Man City u dhaxayn doonaan dhibcod macquul ahi waxaanay u muuqataa in wakhtigan ay dhibco yari u dhaxeeyaan”

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  CODDAYN La Sugayay - Jamaahiirta Real Madrid Oo Coddayn Laga Qaaday Ku Go'aamiyay Tababaraha Ay Doonayaan - Jose Mourinho Mise Cid Kale?

“Waxaan wali filayaa in City ay tahay kooxda ugu cad cad waana kooxda ugu wanaagsan Premier League wakhti xaadirkan sababtoo ah waxay ku guuleysteen Premier League waxaana ay midaas caddeeyeen xilli ciyaareedkii hore”.

 

Comments are closed.