Lionel Messi: “Waxaan U Maleeyay Inuu Real Madrid U Saxiixayo Marba Hadii Uusan Kusoo Biireynin Barcelona”

Advertisements

Kabtanka Barcelona Lionel Messi ayaa u ku fakaray in Neymar Junior uu ku biirayo Real Madrid xagaagan, marba hadii uusan imaaneynin garoonka Camp Nou.

Xiddiga reer Brazil waxba uma qarsaneyn wuxuuna si cad u doonayay inuu isaga tago Paris Saint Germain, sidaas darteed waxaa si weyn loola xiriirinyay labada kooxood ee ugu waaweyn horyaalka Spain.

Messi waa saaxiibka Neymar, wuxuuna ogsoonaa inuu xiddiga doonayay ka bixitaanka Parc des Princess, sidaas darteed wuxuu qirtay inuu u maleeyay saaxiibkiis inuu ku biirayo Madrid.

“Waxaan dhabtii ku fakaray inuu aadayo Real Madrid hadii uusan halkaan imaan” ayuu yiri Messi oo wareysi dheer siinayay RAC1.

“Wuxuu si dhab ah u doonayay inuu ka baxo Paris Saint Germain, wuuna soo bandhigay”

“Waxaan u maleeyay in Florentino Perez iyo Real Madrid ay doonayaan iney sameeyaan wax ay kula saxiixanayaan xiddiga reer Brazil”

Dhinaca kale wareysigaan wuxuu Messi kaga hadlay casaankii la siiyay Ousmane Dembele iyo sida xiddiga reer France uu ugu dhiban yahay luqadda Spanish-ka.

Advertisements

“Wey adkeyd inaan sidaas dhaho, sababtoo Dembele wuxuu ku jahawareeray inuu jumladaha isku xiro si uu wax u cadeeyo”

“Aad baan ula yaabnay in Lahoz uu si cad u maqlay warkiisa, wuuna ku dhibtoonayaa inuu ku hadlo luqadda”