Lionel Messi Oo Wajahaya Ganaax 1.1 Milyan Ah & In Shaqada Laga Joojiyo Ka Dib Talaabooyin Ugu Danbeeyay Ee Uu Qaaday

Advertisements

Lionel Messi ayaa wajahaya in la ganaaxo 1.1 milyan ginni madaama uu seegay tababarka Barcelona isagoo dagaal dhanka qandaraaska ah kula jira kooxdiisa.

Xiddiga Barcelona ayaan imaanin tababarkii maanta sidoo kalena ma uusan marin baaritaankii ciyaartoyda kooxda ee Korona Fayras ee shalay oo Axad aheyd.

Jariirada Marca ayaa sheegtay in Messi oo loo soo bandhigay heshiis rikoodh ah oo 450 milyan ginni uu ka qaadanayo Man City shanta sanno ee soo socota, inuu wajaho ganaaxto kala duwan ka dib talaabooyinkii ugu danbeeyay ee uu qaaday.

Advertisements

Messi oo 33 sanno jir ah ayaa aaminsan inuu dhamaaday qandaraaskiisii kooxda laakiin madaxda Barcelona ayaa weli doonaya inuu kabtanka sii joogo Camp Nou, iyagoo aaminsan in sannad ay uga harsan tahay qandaraaskiisa madaama la soo dhaafay waqtigii uu si xor ah ku bixi lahaa oo ku ekeyd bishii Juun.

Waxaa sidaas la qaba maamulka horyaalka La Liga iyo ururka ciyaartoyda Spain.

Marca ayaa sheegtay in ganaaxa uu dhaqangalayo marka uu ciyaaryahan shaqada soo xaadiri waayo labo jeer isagoo aan wax sabab ah heysan.

Inuu seegay baaritaankii Korona Fayras waa mid, halka tababarkii uu seegay maanta ay tahay maalin labaad uu shaqada imaan waayay.

Marca waxay sheegtay in maalin seddexaad uu shaqada ka maqnaado inuu ku waayi doono mushaharkiisa 11 maalmood ama boqolkiiba 25 mushaharkiisa bilaha ah.

Waxa ay xitaa keeni kartaa in gabi ahaanba laga mamnuuco ciyaarista kubada cagta.

Messi ayaa sannadkii ka qaata Barcelona 54 milyan ginni, sidaasi darteed rubuc meel mushaharkiisa bilaha waa 1.1 milyan ginni.

Xiddiga lixda jeer ku guuleystay waxa uu maalintii shaqeystaa 148 kun ginni sidaasi darteed haddii 11 maalmood ka ganaaxo waxay u dhigantaa 1.6 milyan ginni.

Si kastaba, madaxda Barca oo uu ku jiro Josep Maria Bartomeu ayaa ka cagajiidaya inuu ciqaabo xiddigii abid ugu fiicnaa kooxda.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*