Lionel Messi Oo Soo Xushay Shaxda Kooxdiisa Shan Geesoodka Ah & Labada Xiddig Ee Dunida Ugu Fiican Oo Ka Maqan

Advertisements

Lionel Messi ayaan dooranin naftiisa iyo Cristiano Ronaldo markii uu soo xulanayay shaxda kooxdiisa shan geesoodka ah oo ay ku jireen xiddiga Real Madrid Eden Hazard iyo xiddiga Paris Saint-Germain Kylian Mbappe.

Laakiin xiddiga Barcelona ayaa aaminsan in isaga iyo xiddiga Juventus ay weli yihiin xiddigaha ugu fiican dunida.

Wuxuu soo xushay saaxiibkiisii hore Neymar iyo weeraryahanka Barcelona Luis Suarez halka xiddiga ay isku wadanka yihiin Sergio Aguero uu isna ka soo muuqday shaxda.

Messi ayaa sidoo kale ku abaalmariyay dadaalkooda xiddigaha Eden Hazard iyo Kylian MBappe iyadoo Hazard uu Real Madrid u wareegay xagaagii 2019.

Si kastaba, mucjisada Barcelona ayaa maainsan iyo isaga iyo xiddiga Juventus Ronaldo inaan weli laga tuurin kursiga xiddigaha ugu fiican dunida.

Messi ayaa sidoo kale sheegay inuu ku riyaaqay inuu Ronaldo kula tartamo horyaalka La Liga, laakiin kuma riyaaqin inuu arko xiddiga reer Portugal oo koobab qaadaya.

Wuxuu u sheegay jariirada Marca: “Wax fiican ayay aheyd in Cristiano Ronaldo uu ka sii ciyaaro La Liga sababtoo ah qiimo ayay siiyo hroyaalka, inkastoo ay adkeyd inaan arko isagoo koobab qaadaya.

“Marka isaga iyo aniga laga reebo, ciyaartoyda ugu fiican dunida waa Mbappe, Neymar, Hazard, Suarez iyo Kun Aguero.”

Advertisements

 Leo Messi's top five-a-side team - without him and Cristiano Ronaldo

Messi ayaa ku guuleystay abaalmarintiisii lixaad ee Ballon d’Or sannadkii la soo dhaafay ee 2019, waxay aheyd midii ugu horeysay ee uu ku guuleysto tan iyo 2015.

Ronaldo ayaa ku dhameystay kaalinta seddexaad waxay aheyd natiijadiisii ugu xumeyd ee tan iyo 2010.

Comments are closed.