Lionel Messi Oo Sharraxay Saameynta Uu Cristiano Ronaldo Kulahaa Kulanka El-Clasico & Tartankii Mudada Dheer Ka Dhaxeeyay.

Advertisements

Kabtanka Barcelona Lionel Messi ayaa ka dhawaajiyay in kulanka El-Clasico uu ahaa mid khaas ah marka uu Cristiano Ronaldo joogay dhinaca kale..

Labadaan xiddig ayaa muddo dheer ku xifaaltamayay horyaalka La Liga, CR7 ayaa sanadkii 2009 soo gaaray caasimadda Spain, wuxuuna ku sugnaa muddo 9-sanadood ah ka hor inta uusan 2018 u guurin kooxda Juventus.

Ronaldo iyo Messi waxey masraxa wadaageen muddo 11-sanadood ah, tan iyo Ricardo Kaka oo 2007 labadooda ka dhex qaaday waxaa soo labeeyay Luka Modric oo sanadkii 2018 ku guuleystay ka hor inta uusan Messi soo ceshan kaalintiisii 2019.

Lionel Messi ayaa la hadlay DAZN, gaar ahaan barnaamijka La Liga Show, wuxuuna ka dhawaajiyay inuu u xiisay xifaaltankii Cristiano Ronaldo.

“Sida iska cad, marka uu Ronaldo joogay Real Madrid kulamadaas waxey ahaayeen kuwa mar walba khaas ah” ayuu yiri Messi.

“Kulamada aan ka horjeedno Real mar walba macno weyn ayey leeyahiin, balse marka uu Cristiano joogay waxey ahaayeen kuwa khaas ah”

“Balse hadda waa wakhti nasoo dhaafay, waa wax aan khibrad u yeelanay, hadda waa inaan isha ku heynaa mustaqbalka”

Advertisements

Messi ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu qeybta uga aha tartanka uu la galay Ronaldo, wuxuuna aaminsan yahay iney taageerayaasha sanado badan xasuusan doonaan.

“Wuxuu ahaa xifaaltan gaar ah, waligeed ayey baaqi ahaan doontaa, sababtoo wey soo dhamaatay sanado badan kadib, mana fududa in heerkaas la joogteeyo wakhti dheer”

Leave a Reply

Your email address will not be published.