Lionel Messi ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulanka Supercopa de Espana ee ay caawa la ciyaarayaan Real Sociedad, kaddib markii uu kusoo booday dhaawac muruqa ah.
Laacibka reer Argentina ayaan tababarka kooxdiisa la qaadanin Arbacadii maanta isagoo dhibaato dareemaya, waxaana laga saaray liiska ciyaartoyda kooxda sida ay warbaahinta Spain shaacisay.
33 jirkan ayay tababare Ronald Koeman iyo dhakhaatiirta kooxda isla qaateen in aanu samayn karaynin tababarka ciyaartoydu ugu diyaar-garoobayaan Semi-finalka Supercoppa de Espana, taas oo dhibaato ku ah kooxdan maadaama ay la ciyaarayaan kooxda adag ee Real Sociedad.
Tartanka Spanish Super Cup oo xili ciyaareedkii hore lagu sameeyey isbeddel ayaa waxay Barcelona la ciyaari doonaa finalka haddii ay soo gudubto Real Madrid oo iyaduna habeen dambe ay ballansan yihiin Athletic Bilbao.
Kabtan Lionel Messi ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay ciyaartii ay kooxdiisu 4-0 ku jiidhay Granada, laakiin waxa uu ku baxay beddel maadaama uu dareemayay dhaawac.
Haddii ay Barcelona usoo baxdo finalka, waxay u badan tahay in aanay jirin wax ay ka walaacdo oo dhinaca dhaawaca Lionel Messi ah, sababtoo ah maadaama ay haystaan dhawr maalmood oo nasasho ah.
Sida laga soo xigtay Barcelona, Messi ma ciyaari doono kulanka ay caawa la ciyaarayaan Real Sociedad, waxaana arrintiisa la socon doona dhakhaatiirta.
Si kastaba, Ronald Koeman ayaa kala dooran doona ciyaartoydiisa kale sida Griezmann, Pedri, Martin Braithwaite iyo kuwo kale.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora