Lionel Messi Oo Dareenkiisa Cadho Kula Qarxay Xiddigaha Barcelona & Erayadii Kululaa Ee Uu Ku Yidhi Oo La Ogaaday.

Advertisements

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa si weyn uga cadhooday guuldarradii lama filaanka ahayd ee kooxdiisa kasoo gaadhay dhigeeda Granada kulan xalay qabsoomay oo ka tirsanaa horyaalka La Liga toddobaadkiisa shanaad.

Kulankaas kahor ayay Barcelona iyo Granada min toddobada dhibcood wadaagayeen kahor intii aysan saddexdii dhibcood ee ciyaartaas dhammaan wada qaadan kooxda martida loo ahaa.

Fashilkan kale ayaa ah mid cadaadiska ugu weyn saaraya tababaraha kooxdaas hoggaanka u haya ee Ernesto Valverde waxaana kulankii xalay loogu diiwaan galiyay bilaabashadii ugu xumayd ee ay Barca samayso 25-kii sano ee ugu dambeeyay.

Haddaba, Natiijadaas ayaa noqon mid aan guud ahaan ka dhaadhicin shaqsiyaadka Blaugrana ku hareeraysan gaar ahaan Messi kaas oo kulanka kaddib markii ay xiddigaha Barca qolka labiska kusii socdeen dareenkiisa cadhada leh banaanka keenay.

Advertisements

Messi oo kulankaas aan kusoo bilaaban balse gadaal bedel kaga soo galay ayaa xiddigaha kooxdiisa u sheegay in wixii ku dhacay aysan ahayn wax suurogal ah isla markaana ay kulamada galaan iyagoo diirada saaraya intii xalay in ka badan.

Hadalada Leo laga qabtay kulanka kaddib ayaa ahaa “Kaalaya, Kaalaya, Midani ma dhici karto, Waa inaad kulanka u baxdaan idinkoo intan ka badan diirada saaraya”.

6 responses to “Lionel Messi Oo Dareenkiisa Cadho Kula Qarxay Xiddigaha Barcelona & Erayadii Kululaa Ee Uu Ku Yidhi Oo La Ogaaday.”

  1. Waligiinba messi ku xidhnaada
    Barcelona guul ma gaarayso ilaa iyo ay isku mid ka dhigaan ciyaartoydooda kaliya waxay ku tiirsanyihiin messi

  2. Tolow sidey Barcelona u dheeli donta marka Messi ciyaraha kafadhisto.waxani wa yaabka yaabki. Caruurta kufsanaysa marwalba.

  3. Ceeblona marksta mesi ha ku xidhnadan kulankasta sidan ayaa ku dhcaysa afka ciida loo galinaya

  4. Dek hassan mohamed says:

    Guul darada barca maahan messi la’antiisa ee waxa masuul ka ah tawabaraha intu tawabarahan joogana barca meel magaareso si walba oo messi taam u yahay cata

  5. Lio waa shakhsi kaligiina kooxda wax uma qaban karoh ee waa inay isu xirnaadan ayna noqdaan ul io diirked. 😦

  6. Messi halasiyo isaga xaq u leh