Lionel Messi Oo 200 Kun Euro Isbuucii Ka Qaadanaya Barcelona Ilaa Iyo 2025 Xitaa Haddii Uu Ku Biiro Manchester City

Advertisements

Lionel Messi ayaa lagu waramayaa inuu ka qaadan doono Barcelona usbuucii 200 kun euro ilaa iyo sannadka 2025 xitaa haddii uu ka tago oo uu ku biiro Manchester City.

Halyeeyga reer Argentina ayaa mustaqbalkiisa uusan weli cadeyn iyadoo ay u muuqato inay soo dhamaaneyso waayihiisa Camp Nou.

Ka dib markii uu ku guuldareystay isku daygiisii uu ku bixi lahaa xagaagii la soo dhaafay, waxaa la filayaa inuu baxo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Messi oo 33 sanno jir ah ayaa dhawaan qirtay in Barcelona ay ku jirtay xaalad aad u xun iyadoo Ronald Koeman uusan heysan lacag uu ku bedelo ciyaartoyda sii duqoobeysa.

Wararka la xiriirinaya inuu ka tagayo Catalans ayaa sii xoogeystay markii Emi Rousaud oo ka mid ah musharaxiinta jagada madaxweynaha kooxda uu qirtay in Barcelona aysan bixin karin mushaharkiisa uu haatan qaato.

Si kastaba, jariirada Marca ayaa qortay maanta in Barcelona ay ku qasbanaan doonto inay lacag siiso Messi haddii uu baxo ama haddii uu joogo.

Waxay xuseen in Messi uu bandhigaga gashan doono 39 milyan euro dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Lacagtaas waa kala bar 78 milyan euro oo lagu heshiiyay in loo siinayo abaalmarin ahaa markii uu cusbooneysiiyay qandaraaskiisa Barcelona sannadkii 2017.

Wuxuu durbaba qaatay 39ka milyan euro kale iyadoo heshiiska uu yahay in Messi sideed jeer oo muddo afar sannadood ah la kala siin doono lacagta u hartay ee 39 milyan euro.

Waxayna taasi la micno tahay in kooxda La Liga ka dhisan ay Messi lacag siin doonto ilaa iyo 2025 xitaa haddii uusan kooxda ka mid aheyn.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*