Lionel Messi Ayaa Ku Guuleysan Lahaa Ballon d’Or Sannadkan, Cristiano Ronaldo Oo Safka Hore Ka Maqnaan Lahaa Iyo Xog Cusub Oo Soo Baxday

Advertisements

Lionel Messi ayaa ku guuleysan lahaa markii toddobaad abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or haddii aanu wargeyska France Football kansali lahayn sannadkan, waxaanu xiddiga reer Argentine boodhka ku qasi lahaa Cristiano Ronaldo oo xataa saddexda kaalmood ee ugu sarreeya aan kusoo bixi lahayn.

64 sannadood oo si joogto ah loo bixinayay abaal-marinta Ballon d’Or, waxa sannadkan la go’aamiyey in aan la bixin maadaama ay ciyaaraha khalkhal gelisay musiibadii Fayraska Korona muddo saddex bilood ah albaabada iskugu laabtay garoomada, isla markaana kala jartay qiimayntii joogtada ahayd ee lagu samaynayay ciyaartoyda.

Tobanka ciyaartoy ee kaalmaha sare geli lahaa

Tartamada waaweyn ee Euro 2020 iyo Copa America 2020 ayaa dib loo dhigay, sidoo kale waxa illaa bishii July dhamaadkeeda socda horyaalladii oo aan wali dhamaan.

Advertisements

Horyaallo waaweyn oo ay ku jiraan Ligue 1, Eredivise iyo midka Belgium ayaa la kansalay, iyadoo qaarkoodna koobka la siiyey kooxihii hoggaanka hayay, kuwo kalena la joojiyey.

Sababahan ayaa loo cuskaday joojinta bixinta abaal-marinta xiddiga adduunka ee sannadkan, hase yeeshee waxa hadda lasoo bandhigtay xog muhiim ah oo muujinaysa xiddigii uu ku guuleysan lahaa abaal-marinta.

Sida uu sheegay xog ururiyaha iyo qiimeeyaha ee WhoScored, Lionel Messi ayaa markiisii toddobaad ku guuleysan lahaa abaal-marinta sannadkan, waxaana kaalinta labaad kusoo bixi lahaa Kylian Mbappe halka uu saddexaadna soo geli lahaa Robert Lewandowski.

Saddexdan ciyaartoy oo ah kuwa ugu waxqabadka badan marka la eego bandhiggooda shaqsiga ah, waxay kaalmaha sare u diidi lahaayeen Cristiano Ronaldo oo qiimaynta waxqabadka xili ciyaareedka ee shaqsiga ah kasoo galay kaalinta afraad.

Xiddiga Real Madrid ee Karim Benzema oo ay dadka qaarkood kaalmaha hore keenayeen ayaan gebi ahaanba soo geli lahayn tobanka boos ee ugu sarreeya, sababtoo ah, waxa lagaga horreeyaa qiimaynta waxqabadka.

Halkan kaga bogo sida loogu kala horreyn lahaa abaal-marinta Ballon d’Or iyo qiimaynta waxqabadka shaqsiga ah ee ciyaartoy kasta:

1. Lionel Messi – 8.71

2. Kylian Mbappe- 8.14

3. Robert Lewandowski – 8.13

4. Cristiano Ronaldo – 7.91

5. Kevin de Bruyne – 7.88

6. Angel Di Maria – 7.75

7. Dimitri Payet – 7.73

8. Josip Ilicic – 7.65

9. Jadon Sancho – 7.64

10. Timo Werner – 7.6

11. Alejandro Gomez (Atalanta) – 7.58

12. Luis Alberto (Lazio) – 7.56

13. Adama Traore (Wolves) – 7.53

14. Duvan Zapata (Atalanta) – 7.52

15. Alphonso Davies (Bayern Munich) – 7.52

16. Marco Reus (Borussia Dortmund) – 7.5

17. Ricardo Pereira (Leicester) – 7.5

18. Riyad Mahrez (Man City) – 7.5

19. Serge Gnabry (Bayern Munich) – 7.49

20. Paulo Dybala (Juventus) – 7.48

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

9 Fekradood

  1. Laacibow dadka benta kadaaya so idinkii lahaa ronaldo kaalinta2 hadana kaalinta afaraad war dadka wax fican usoo gudbiya beenaalayaal baa tihiin😡😡😡 anigu wxaan hubaa sanadkan wxaa qaadanlahaa Ronaldo sabato ah wuxuu kawax qabad badan yahay messi oo sanadkan xumaa hadaa liwenduski wuu dhaafi sabab to ah hada wxa uu dhaliyey 30goolwxaana u hartay afar ciyaar oo seeraA ah mr lama joojiye 4 wax kaban buu dhalin karaa waad ogtahay waa mashiin goolasha dhaliya 🤣🤣🤣

  2. Ala laacibow iska hubiya wxn aad qoraysaan ciyaartoydi liverpoolna kuma jiraane mane vvd salah oo aaway benzema riyad oon boos joogta haysan ayd ku soo darteen

  3. WaryaadhaHeen waxwalpa idinkama qaadanaYne waanu izka shandhaYnaaa
    Eee hadaLka naga buura messi iYo bakh bakh ha laahYninEew😁😁

  4. ALLA MAXAAD ISKA HADASHAAN
    MEE K.BENZEMA
    XAGUU KASOO GALAY RIYAD
    OO MESSI MUXUU KOOB HAYAA😂😂

  5. haa messi wax qabadkisu ad ayuu u wanaagsana lknse ronaldo ayaa ka wax qabad fiicna 100% 70

  6. Gofwalbo taagyernimo ayuu uhadlayaa marka gofkan idin soo gudbiyey giraalka waa adiga oo kale waxaa laga yaaba inuu taagyeeri u yahay ronaldo ama messi marka yaan lala yaabin umada goraalkeeda ee dantiini karaacda

  7. Khiyaali bad Mesha KuHaYsaa Wllhi Messi WaanaLaga goolal badanyahay Wax Koobabana mahaysto Muxuu Qabtay markaa

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*