Liiska Ciyaartoyda Ay Man United Ka Dooni Doonto Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda January Oo Lasoo Bandhigay & Tirada Ay Heli Karto.

Advertisements

Man United ayaa ku dhexjirta dhibaato aan caadi aheyn maadaama ay fasalkaan ku bilaabatay si liidata, waana kooxda ugu liidata marka laga hadlo kooxaha lagu sheego (TOP SIX), waxaana dhibta kula jira Spurs oo qudheeda xaalad aan wanaagsaneyn ku bilaabatay.

Red Devils dhibaatada ugu badan ee heysata waxey tahay ineysan badi kulamadeeda goolal dhalin karin, tan iyo markii ay kooxda isaga tageen Alexis Sanchez iyo Romelu Lukaku kuwaas oo lagu tuhmayay khibrad ay kooxda ku saacidi karaan.

Bisha January waxaa dib u furmi doona suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, Red Devils ayaana lagu sheegayaa iney ka mid tahay kooxaha sida xawliga ah u gali doona suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Dhawr ciyaartoy ayaa lala xiriirinayaa Red Devils inkastoo ay hubanti tahay ineysan dhamaan heli doonin tirada ciyaartoyda oo badan iyo dakhliga laga yaabo iney ku fadhiyaan oo aan loo ogolaan karin iney hal jeer bixiso.

Liiska waxaa hogaaminaya xiddiga khadka dhexe kooxda Bayer Leverkusen (Kai Havertz), xiddigaan heerka caalami waxaa lagu qiimeeyaa adduun dhan 80 Malyan oo Pound, waxaana la leeyahay waa mid ka mid ah xiddigaha uu jeclaan lahaa Ole Gunnar Solskjaer.

Sidoo kale waxaa ku jira liiskaan Jadon Sancho oo lagu qiimeeyo xiddigaha ugu fiican qaaradda yurub wakhtigaan, xiddigaan wakhtiga fiican ku qaadanaya Borrusia Dortmund, waxaa si weyn u doonaya kooxaha qaaradda yurub, waxaana la leeyahay helitaankiisa bisha January waa mid aad u yar maadaama kooxdiisa aysan dooneyn iney xilli dhexe iska fasaxdo xiddigaan tayada wanaagsan.

Weeraryahanka Jarmalka ah ee Timo Werner ayaa ku jira liiskaan kaas oo lagu qiimeeyo 26 Malyan oo Pound, xiddigaan heerka caalami wuxuu u baahan yahay goob uu ku muujiyo awoodiisa xirfadeed, Bruno Fernandes ayaa liiska soo galay kaas oo xagaagii laga soo gudbay kooxda ay u dhawaatay, xiddigaan reer Portugal waa mid ka mid ah xiddigaha ay kooxda aad ugu baahan tahay marka laga hadlo booskiisa.

Liiska waxaa ku jira dhawr ciyaartoy oo kale, lagana xusi karo:

Moussa Dembele (Lyon)

James Maddison (Leicester)

Thomas Muller (Bayern Munich)

Advertisements

Mario Mandzukic (Juventus)

Waxaa la sameeyay qiimeynta sida lagu heli karo, James Maddison ayaa ah xiddiga ugu badan ee ay heli karaan maadaama xiddigaan uu saaxiibo badan ku leeyahay garoonka Old Trafford, sidoo kalana uu jecel yahay inuu mar uun xirto maaliyadda Red Devils.

Comments are closed.