Lewandowski: Jurgen Klopp Macallin Xun Ayuu Ii Ahaa, Waan Xasuusanahay Sidii Uu Ii Dhibi Jiray

Advertisements

Weeraryahanka reer Poland ee Lewandowski ayaa sheegay in tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp uu u ahaa tababare xun oo culays iyo cadaadis badan saari jiray waqtigii uu joogay Borussia Dortmund, laakiin taasi ay ka dhigtay inuu noqdo ciyaartoy wanaagsan oo heer caalami ah.

Robert Lewandowski waxa uu amaan kula dul-dhacay Jurgen Klopp oo uu xusay inuu ka dhigay ciyaartoy wanaagsan, isla markaana uu beddelay gebi ahaanba qaab ciyaareedkiisii, balse ay taasi ku timid culays badan.

Lewandowski oo sannadkii 2010 ku biiray Borussia Dortmund ayay bilowgii hore ee nolosha horyaalka Bundesliga ku adkayd, waxaanay sababtu ahayd inuu Jurgen Klopp ka ciyaarsiiyey booska No.10 ee khadka dhexe halkaas oo uu tababarka ku siin jiray si uu uga dheeli karo.

Wax kasta waxay isbeddeleen guul-darradii Champions League ee September 2011 ay u xambaarisay Marseille, waqtigaas oo uu Lewandowski miiska la fadhiistay tababarihiisa oo uu u sheegay waxa uu doonayo. Laakiin Jurgen Klopp ayaa isaguna farta ka saaray waxa uu ka doonayo inuu sameeyo, sidaas ayay wax waliba ugu hagaageen, iyadoo ay u bilowdeen guulo horyaalka ah iyo wacdaro ay ka dhigeen Champions League ka hor intii aanu uga wareegin Bayern Munich.

Advertisements

Laacibkan oo waraysi bixiyey ayaa yidhi: “Jurgen Klopp kaliya iima ahayn aabbo, laakiin waxa kale oo uu ii ahaa ‘macallin xun’. Waxaan u jeedaa taas ayaa egayga ugu dareenka wanaagsan.”

Robert Lewandowski oo sharraxaya sababta uu macallinka xun ugu tilmaamay Jurgen Klopp ayaa yidhi: “Aan idiin sharraxo. Dib u xasuuso markii aad iskuulka dhiganaysay. Macallinkee ayaad inta ugu badan xasuusan tahay? Ma xasuusanaysid midkii nolosha kuu fududaynayay, waliba cidina kaama rajaynayso. Maya, maya, maya. Waxaad xasuusataa macallinka xun, midka kugu ad-adag. Midka ku saara culays ee kaa doonaya in wax walba sida ugu wanaagsan aad u qabato. Kaas ayaa ah macallinka ku wanaajiyey, sow sax maaha? Jurgen Klopp sidaas oo kale ayuu ahaa.

“Ma ahayn mid kuu ogolaanaya inaad noqoto arday keena natiijada B, ma garanaysaa? Jurgen wuxuu doonayaa in ardaydiisu keento A+. Wax badan ayuu i baray. Markii aan imid Dortmund, waxaan doonayay inaan wax walba si degdeg ah u sameeyo: baas xoog badan, hal taabasho oo kaliya. Jurgen wuxuu ii sheegay inaan is-dejiyo – inaan laba taabasho sameeyo haddii ay lagama maarmaan noqoto.

“Taasi waxay gebi ahaanba kasoo horjeedday qaab-ciyaareedkaygii dabiiciga ahaa, laakiin si degdeg ah ayaan goolasha u dhalinayey.

“Markii aan intaas ka qaatay, wuxuu haddana igu loollansiiyey inaan degdego mar kale. Hal taabasho, toogasho. Gool. Wuu i dejiyey si uu ii xawaaraysiiyo. Waxay u muuqanaysay mid fudud, laakiin waxay ahayd mid caqli ah, dhab ahaantii.”

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*