Levante Oo Hogaanka La Ligaha U Gacan Gilisay Barcelona, Real Madrid Ayay Waqtiga Geeerida Ka Taqaluseen

Advertisements

Levente ayaa guul qaali ah waqtigii geerida ka gaartay Real Madrid kuwaasi oo guud  ahaan kubadda haystay balse ay ku  dileen kubadaha rogaal celiska ah

Sheekda Labada Qeyb : Levante iyo Real Madrid ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 25-aad ee horayalka Spain , xilli Real ay guud ahaan wacnaayeen qeybtaas hore

Real waxaa qeybtaas hore kaliya maqnaa in natiijada go`aamiyaan waxa ayna iska qasaarinayeen fursado xaqiiq ah .

Levante waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah halka daafac ahaan ay aad u wacnaayeen , waxaana Real sidoo kale hor taagnaa goolhayaha kaasi oo fursado ka bad baadiyay
Real kubad cadaadis leh oo deg degsiimo ah ayay ciyaarayeen balse waxaa ka maqnaa in ay shabaqa booqdaa,balse guud ahaan iyaga ayaa ku sareeyay maamulka kubadda.

Biloowgii qeybta labaad, Real cadaadis ayay ku bilaabeen kubadda xilli waliba laga filan karay gool inkastoo kooxda martida loo ahaa ay halis ku ahaayeen kubadaha rogaal celiska ah.

Marka la eego hanaanka Real waxaa ka maqnaa dhaq dhaqaaq muuqda oo afka hore ah ka dib marka ay kubadda soo dhisaan waxaana muuqaneysay in Zidane la gudbooneyd in uu badal sameeyo waliba uu soo giliyo Lucas Vazquez.

Real dhamystirka iyo go`aaminta ayaa ka maqnaa waxa uuna Benzema cunayay fursado xaqiiq ahaa , waxaana kubadda ku badnaa Real balse gool ayaa ka maqan xilli Levante daafac adag ay ciyaarayeen xilli Zidane badalkiisa ugu horeeyay uu soo giliyay Vinicius Junior waxa uuna daqiiqadii 67-aad u saaray Hazard.

Real waxaa mararka qaar ay halis u galayeen in kubadaha rogaal celiska ah lagu dilo , waxa uuan tababare Zidane daqiiqadii 73-aad soo giliyay Lucas Vazquez oo loo saaray Isco

Advertisements

Sida la filayay , ka dib kubad ay dhiseen Levante , waxa ay u qajafeeyeen Jose Luis Morales kaasi oo si qurux ugu sii laaday goosha Real waliab dhinac aan la qaban karin ka dhigay daqiiqadii 79-aad , waxaan muuqaneysa in qalad daafac oo xooggan uu jiray ,waxa uuna Zidane soo giliyay Vlverde iyadoo daqiqiaidi 82-aad loo saaray Modric .

Real isku dayo ayay sameeyeen dhamaadkii balse daafac adag ayaa hor taagnaa waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool , waxaana sidaas hogaanka ula wareegtay barcelona oo hataan Real kaga haysa laba dhibcood waxa ayna  Real ku istaageen 53 dhibic

Comments are closed.