Lambarka Ay Man United U Xiri Doonto Jadon Sancho Oo Ay 120 Milyan Kula Soo Wareegayaan Oo La Ogaaday

Advertisements

Manchester United ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto Jadon Sancho maaliyada No.7 si ay uga dhaadhiciso xiddiga Ingariiska inuu u wareego Old Trafford.

Red Devils ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro xiddigii hore ee Manchester City, waxayna diyaar u yihiin inay u jabiyaan rikoodhkooda suuqa kala iibsiga si ay u soo xerogeliyaan.

United ayaa aaminsaneyd inay ku dhawaayeen heshiis dhamaadkii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, laakiin heshiiska ayaa burburay isbuucyadii ugu danbeysay xilli ciyaareedkii hore madaama ay United ku guuldareysatay inay u soo baxdo Champions League.

Si kastaba, United ayaa dib u soo cusbooneysiisay xiisaheeda xagaagan iyadoo jariirada London Evening Standard ay sheegeyso in maaliyada No.7 loo bandhigi doono Sancho si looga dhaadhiciyo inuu ku dheelo Tiyaatarka Riyada.

Alexis Sanchez ayaa Man United u xirnaa maaliyada No.7 laakiin kooxda ay rajeyneysa inay iska iibin doonaan xagaaga isagoo haatan amaah ku jooga kooxda Talyaaniga ee Inter Milan.

Haddii ay ku guuldareystaan inay iibiyaan xiddiga reer Chile waxay ka qaadi doonaan maaliyada No.7 iyagoo u arko Sancho inuu yahay xiddigaha mustaqbalka.

Advertisements

Chelsea ayaa kula tartameysa Man United saiixa Sancho iyadoo Blues ay ka sareysa haatan Red Devils miiska kala sareynta horyaalka Premier League.

Frank Lampard ayaa isna u adeegsan doona dalacsiintii uu ku sameeyay xiddigaha sida Mason Mount, Tammy Abraham, Fikayo Tomori iyo Reece James inuu fursad siiyo xiddigaha da’da yar.

Comments are closed.