“Laga Yaabee In Kulanka Liverpool TV-yada U Tahay Clasico, Balse Anaga Kulanka Man United Ayaa Clasico Noo Ah”

Advertisements

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa sii xoojiyay ciyaar maskaxeedka tababarahiisa Pep Guardiola kadib markii uu iska indho-tiray xifaaltanka Liverpool ka hor kulanka labada kooxood ku dhexmari doona garoonka Anfield maalinta Axadda, wuxuuna soo hadal qaaday kooxda Man United oo ay cadaawad badan kala dhaxeyso kooxda hogaamineysa horyaalka iyo sidoo kale qudhooda.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ayaa u duuli doonta magaalada Liverpool halkaas oo ay kulan weyn kusoo ciyaari doonaan, wuxuuna kusoo aadayaa xilli hogaaamiyayaasha horyaalka Reds ay lix dhibcood ka sarreeyaan dhigooda Citizens.

Waa fasal ciyaareedkii labaad oo ay labadaan kooxood ku tartamayaan horyaalka, dhawaan ayey aheyd markii Pep Guardiola uu sheegay inuusan hubin hadii kooxdiisa ay Anfield kusoo badin karto, iyadoo la xasuusan yahay in kooxda difaacaneysa horyaalka aysan halkaas kusoo badin tan iyo 2003.

Inkastoo xifaaltanka labadaan kooxood uu kululaaday sanadahii dambe, hadana Sergio Aguero wuxuu shaaca ka qaaday in kulanka Man United ay la ciyaaraan uu wax badan uga muhiimsan yahay kulanka Liverpool, balse ay macquul tahay in TV-yada ay u arkaan inuu yahay kan ugu weyn oo ay ciyaarayaan.

“Laga yaabee iney Clasico u tahay TV-yada, balse anaga ahaan, kulanka Man United ayaa noo ah Clasico” ayuu yiri Sergio Aguero oo la hadlayay France Football.

“Liverpool mar walba ayey aheyd koox in laga hortago ay adag tahay, balse marka aan imid, kooxda aan horyaalka kula dagaalameynay waxey aheyd Man United”

“Markii hore, waxey aheyd wax adag in magaalada ay ku tartamaan City iyo United, kadibna waxaa jirtay Chelsea”

Si kastaba Aguero wuxuu qiray in Liverpool ay dib kasoo xoogeysatay isla markaana ay hadda yahiin kuwa kula tartama horyaalka Premier League.

Advertisements

“Afartii fasal ciyaareed ee ugu dambeeyay Liverpool waxey noqotay koox adag, haddana waxey anaga nagula dagaalameysaa horyaalka Premier League”

“Waa kooxda kaliya ee na dhaawici karta, waxeyna horyaalkaan u dagaalamayeen sanado”

Comments are closed.