Lacagta Taageerayaasha Premier League Kaga Baxda Inay Taageeraan Kooxahooda Oo La Soo Saaray – Kooxdee Ugu Qaalisan?

Advertisements

Taageerayaasha Premier League ayaa wadar ahaan waxaa uga bixi doonta inay taageeraan kooxahooda lacag gaareysa 1.3 bilyan ginni xilli ciyaareedkan.

Waxaa sidaasi lagu sheegay daraasad ay sameysay e-Toro kuwaasoo soo saaray warbixintooda ‘Fan Financial Statement’ ee sannadkan 2019.

Warbixinta waxaa sidoo lagu sheegay celceliska qiimaha ay taageerayaasha kubada cagta bixitaan, iyadoo uu sarre u kacay qiimaha tikidhada, qiimaha rukumashada TV-yada iyo iibsashada alaabaha kooxda.

Taageerayaasha daacada u ah kooxahooda waxaa celcelis ahaan ka bixin doonta 1,888 ginni si ay u la socdaan kooxda ay jecel yihiin xilli ciyaareedkan iyadoo lacagta inteeda badan ay ku bixin doonaan waxyaabaha aan kor u soo sheegnay oo ay sii dheer tahay safarada, cuntada iyo cabitaanka garoomada.

Laakiin kooxahee ayaa ugu qaalisan in la taageere kuwee ayayse qiimaha kaaga baxaya ay jaban yihiin haddii aad joogto England?

Advertisements

Halkaan hoose ka eeg celcelis taageere walba kaga baxaya kooxda uu taageero 20 kooxood ee kooxaha Premier League ee daraasada ay sameysay e-Toro:

20) Aston Villa – £1605
19) Burnley – £1641
18) Leicester City – £1651
17) Manchester City – £1665
16) Sheffield United – £1696
15) Wolves – £1731
14) Watford – £1794
13) Everton – £1860
12) Crystal Palace – £1879
11) West Ham – £1883
10) Brighton – £1899
9) Norwich City – £1930
8) Manchester United – £1957
7) Southampton – £1964
6) Bournemouth – £1972
5) Liverpool – £2055
4) Chelsea – £2107
3) Tottenham – £2113
2) Newcastle – £2124
1) Arsenal – £2238

The table shows the full results of the average fan's expense

Comments are closed.