LABADA Xiddig Ee Uu Madaxweyne Barcelona Ee Joan Laporta Ka Samaynayo Lacagta Saxeexa Haaland Oo La Ogaaday

Madaxweynaha cusub ee kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa la xusayaa inuu bilaabay qorshayaasha uu kooxdaas dib ugu dhisayo isla markaana uu dejiyay qorshaha uu doonayo inuu kula soo saxeexdo weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland.

Advertisements

Barca gaar ahaan madaxweyne Laporta ayaa ah kuwo waxkasta u samaynaya sidii ay kabtankooda Lionel Messi ugu qancin lahaayeen inuu sii joogo kooxda iyagoo u samaynaya saxeexyo uu ku qanco.

Laporta ayaa la sheegayaa inuu hawl-gal uu isagu shaqsiyan qaban doono ka dhigay heshiiska uu Haaland ku keenayo Camp Nou isaga oo aaminsan inuu Messi ku qancin karo inuu kooxda kusii negaado.

Barcelona ayaa wajahaysa suuqa xagaa oo miisaan culus ku leh agteeda isaga oo suuqaasi muhiim u noqon kara taariikhdeeda cusub isla markaana ay ugu dagaalamayaan inay ku ceshadaan ciyaaryahankooda ugu muhiimsan.

Advertisements

Sida ay xaaladu hadda tahay, Messi ayaa u muuqda mid xagaaga koox cusub yeelanaya iyadoo kooxaha lala xidhiidhinayo inta ugu badan ay yihiin Manchester City iyo Paris Saint-Germain.

Wali ma aysan bilaabmin wax wadahadalo ah oo ay Barcelona heshiis cusub kaga doonayso Messi laakiin imaatinka Joan Laporta ayaa ah mid kalsooni weyn siiyay kooxdaas.

Sida lagu sheegay wargeyska Sport, Laporta ayaa hadda ka shaqaynaya heshiis noqon kara mid mucjiso ah, madaxweynaha iyo tababare Ronald Koeman ayaa labaduba isku raacsan inay kooxdu tabayso weeraryahan heer sarre ah.

Laakiin Barca ayaa ka warqabta inay u baahan doonaan lacag ka badan 100 Milyan oo pound si ay Haaland u helaan, sida lagu sheegay warbixinta Sport labada xiddig ee kala ah Philippe Coutinho iyo Antoine Greizmann ayay u doorteen kuwa ay iibinayaan si ay lacagtaas uga sameeyaan.

Labada xiddigba waxa ay ahaayen kuwo ay Barca kusoo iibsatay lacag waali ah balse waxa ay si wadajir ah ugu fashilmeen inay saamayntii la filayay yeelan waayeen.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*