Labada Xiddig Ee Ka Maqan Iyo Shaxda Adag Ee Chelsea Ay Kula Ciyaari Doonto Newcastle Oo Lasii Faafiyey

Advertisements

Chelsea ayaa la filayaa in aanay safka koowaad ugu soo baalabanin labada ciyaartoy ee Christian Pulisic iyo Thiago Silva kulanka Sabtida ee Newcastle United, waxaanay sababtu tahay in difaaca reer Brazil uu safar dheer oo diyaaradeed soo galay iyo Christian Pulisic oo dhaawac ah.

Laakiin Frank Lampard ayaa war wanaagsan ka helay Kai Havertz oo kasoo kabanaya xanuunka Korona Fayras, halka Pulisic uu xaqiijiyey in aanu taam u noqon karaynin ciyaartan oo aanu wali tababarka si buuxda u qaadanin.

“Christian Pulisic taam uma aha kulanka Newcastle laakiin wuxuu tababarka ugu soo laabanayaa si qunyar-qunyar ah. Waxa uu ahaa dhaawac dhibaato ah, markaa waa inaanu taxadar muujinayaa.” Ayuu yidhi Frank Lampard.

Advertisements

Hadalkan ayuu magacnihiisu yahay in weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner uu ka ciyaari doono garabka weerarka ee dhiinaca bidixda, taasina fursad caddaan ah siinayso Tammay Abraham oo weerarka dhexe kusoo bilaaban doona, halka dhinaca midigna ee weerarkana uu taagan yahay Hakim Ziyech.

Dhexda ayuu diyaar ku yahay Mason Mount oo Lampard uu u adeegsan karo inuu weerarkana caawiye u noqdo, amaba garabka midig ka beddeli kara Werner oo isaguna booska ka riixan kara Abraham.

Frank Lampard oo ka hadlayay shir jaraa’id ayaa waxa uu xaqiijiyey in Thiago Silva uu ku wargeliyey in aanu ciyaari karaynin kulanka Newcastle, waxaanu yidhi: “Thiago Silva hadda ayuun buu soo degay, waxaanu iisoo diray farriin galabnimadii (shalay) isagoo ii sheegay in laga yaabo in aanu ciyaari karayn kulanka Newcastle, sababtuna waxay tahay safarka dheer iyo waqtiga.”

Ben Chilwell oo ku dhaawacmay ciyaarihii caalamiga ahaa, isla markaana kursiga kaydka ku dhamaystay kulankii England ay ku garaacday Iceland kaddib dhaawac looga saaray ciyaartii Belgium ayaa waxa uu filayaa inuu taam u noqon karayo ciyaartan.

Sidaas oo kale, Reece James ayaa xoreysay booska difaaca midig oo aan shaki ka qabin inuu kusoo bilaaban doono.

Goolhaye Mendy ayaa isagana aan laga furfuri doonin biraha dhexdooda.

Halkan kaga bogo labada koxood ee Chelsea kula ciyaari karto Newcastle

Shaxda ugu suurtogalsan

shaxda labaad ee ay Blues ku ciyaari karto

Advertisements

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

5 Fekradood

  1. Werner waxa an u so iibsany inu ka ciyaaro no 9 ino ka ciyaaro midig kuma farax sani shaxda labaad aya ah mid macquul ah Lampard maha mid fahmi kara ciyartoyada faraha badan ee u haysto hada abrham wu indha la yhy

  2. Waryaaada chalsea duur waxwo mataqaane tapabaraha Liverpool jurgen klop halooo tago si uuu wax idiiinku faa ideeyo doqomayaheey

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*