Ciyaartoyda xulka qaranka England ayaa loo sheegay in ay sii wadaan in ay jilibka dhulka u dhigaan, taas oo iyaga muhiimad weyn iyo awood ba siinaysa.
Kooxaha Celtic iyo Rangers ayaa noqday labadii naadi ee ugu dambeeyey ee si wada jir ah u joojiya in ay jilbaha dhulka dhigaan ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartoodii horraantii usbuucan iyadoo maalmo ka horna la cunsuriyeeyey xiddiga Rangers ee Glen Kamara, taas oo la sheegayo in ay suurtogal tahay in UEFA ay ku ciqaabayso Slavia Prague oo ay ka saarayso tartanka Europa League oo ay Arsenal iyadoon ciyaarin wareegga semi-finalka u gudbi karayso.
Hore waxa u diiday in uu jilibka dhulka dhigo xiddiga Crstal Palace ee Wilfired Zaha kulankii ay kooxdiisu 1-0 kaga badisay West Brom.
Si kastaba, difaaca Aston Villa ee Tyrone Mings iyo saaxiibkiisa Ollie Watkins ayaa isku raacay in ay muhiim tahay, in ciyaartoyda xulka qaranku ay jilibka dhulka dhigaan, taas oo ay sheegeen inay gudbin doonto farriin xoog badan.
Watkins oo 25 jir ah ayaa yidhi: “Dhamaantayo waanu isku imanaynaa, waxaananu go’aan wada jir ah ka qaadanaynaa waxa aanu samaynayno. Laakiin waxa aan dareensanahay in aanu sii wadi doono waxa aanu samaynayno oo aanu jilibka dhulka dhigi doono.
“Dadku way ka hadlayaan, illaa inta aan ka war hayana taasi way ii wanaagsan tahay aniga. Illaa inta ay dadku ka hadlayaan arrintan iyo xasuusnaanta sida ay u awood badan tahay, waanu sii wadaynaa.
“Qof walba fikir ayuu leeyahay, sida Tyrone uu sheegayna, waxay dhab ahaantii gudbinaysaa farriin, waana muhiim, sababtoo ah dadka ayaanu xasuusinaynaa sababta sidan loo samaynayo.”
Xulka qaranka England ayaa la ciyaaraya San Marino, Albania iyo Poland kulamo ka tirsan isreeb-reebka Koobka Adduunka.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora