Laba Ka Mid Ah Kooxaha Premier League Oo Ku Tartamaya James Rodriguez Oo Amaah Kaga Bixi Kara Real Madrid.

Advertisements

Arsenal iyo Everton ayaa lagu soo warramayaa iney ku loolamayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe Real Madrid James Rodriguez kaas oo amaah kaga bixi kara kooxdiisa ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bishaan January.

28-jirkaan heerka caalami ayaa xagaagii laga soo gudbay amaah laba fasal ah kaga soo noqday Bayern Munich, balse kusoo laabashadiisii caasimadda uma noqon wax wanaagsan.

James Rodriguez ayaa kasoo muuqday Los Blancos 11-kulan, kaliya 4-jeer ayuuna kusoo bilowday kulamada La Liga, waxaana la ogyahay inuusan xiddiga u ciyaarin kooxda tan iyo October kadib dhaawac soo gaaray.

Florentino Perez ayaa la aaminsan yahay inuu xiddigaan ku qiimeynayo 34 Malyan oo Pound inkastoo ay shaki la’aan tahay iney bishaan ku diri doonaan amaah ka hor inta uusan si rasmi ah kooxda uga tagin xagaaga soo aadan.

Ilo wareedyo laga helayo Spain oo xiganaya Sports Mole ayaa sheegaya in kooxaha Arsenal iyo Everton ay isha ku hayaan arinta xiddigaan reer Colombia.

Advertisements

Gunners ayaa xiriir fiican la leh Los Blancos maadaama ay dhawaan ka heshiiyeen heshiis amaah hal fasal ah oo ay ku qaateen Dani Ceballos.

Balse dhawaan shabakadda Marca waxey qortay in James uu iska diiday inuu u wareego Emirates Stadium, taas badalkeedana uu doonayo inuu Zidane u cadeeyo qofnimadiisa.

Comments are closed.