“Laakiin Kuma Aadan Guuleysan Horyaalka” – Daawo Roy Keane Oo Hadalka Ku Xiray Jamie Carragher Xilli Ay Ka Doodayeen Man United

Advertisements

Roy Keane ayaa dardar ku bilowday shaqadiisa falanqeeye ee Sky Sports isagoo hadalka ku xiray Jamie Carragher xilli ay si toos ah uga doodayeen Manchester United.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Manchester United Roy Keane ayaa qandaraas u saxiixay Sky Sports, waqti dheerna kuma qaadanin inuu dharbaxaadiisa kulul la dhaco khabiirada kale ee Sky Sports.

Ka dib markii uu Keane daawaday guushii ay Liverpool ka gaartay Chelsea ee Stamford Bridge, Carragher ayaa ka hadlayay sida ay United uga baran karto Liverpool in loo tartamo ku guuleysiga horyaalka ka hor inta uusan Keane soo dhex gelin.

Carragher ayaa ku doodayay in imaanshaha Luis Suarez ay ka dhigtay Liverpool koox ka soo kacda kaalinta lixaad oo u tartanta horyaalka markii uu joogay tababare Brendan Rodgers.

Laakiin Keane ayaan ku raacin isagoo yiri: “Laakiin Jamie waxaa tiri ‘waa ay ku dhaweyd inay hanato horyaalka’, laakiin kuma aadan guuleysan horyaalka. Waxaan ka hadleyno halkaan waa Manchester United.”

Advertisements

Carragher ayaa ku jawaabay: “Isla ilow horyaalka, waxaad u baahan tihiin inaad soo gaabisaan farqiga idiin dhaxeeya idinka iyo Manchester City iyo Liverpool, sidaasi darteed waxaad u baahan tihiin labo ama seddex ciyaaryahan oo sidaas idinka caawisa. Waqti xaadirkaan waxaa tihiin koox kaalin lixaad ama 7aad ah.”

Keane ayaa ka harin isagoo yiri: “Waa runtaa. Laakiin Liverpool iyagana waxay isku dayayaan inay soo yareeyaan farqigaas sababtoo ah weli ma aysan gaarin halka ugu sareysa, ma aysan ku guuleysanin horyaalka.”