Laacibkii Ugu Fiicnaa Garoonka, Xiddigihii Wacdaraha Dhigay & Qiimeynta Ciyaartoyda Kulankii Chelsea & Burnley

Advertisements

Chelsea ayaa wadada guusha ku soo laabatay ka dib markii ay 3-0 ku qaarjiyeen kooxda Burnley oo marti ugu aheyd garoonka Stamford Bridge iyadoo Blues ay xajisatay kaalinta afaraad ee kala sareynta horyaalka Premier League.

Goolal ay kala dhaliyeen Tammy Abraham, Jorginho iyo Calum Hudson-Odoi ayay Blues ku dardartay Burnley iyagoo ka soo kabsaday barbarihii ay kala kulmeen Brighton kulankoodii ugu danbeeyay ee horyaalka.

Xiddiga Garoonka & Xiddigihii Wacdaraha Dhigay:

Weeraryahan Tammy Abraham ayaa si fiican u dheelay kulankaan isaga ayaana qaatay xiddiga garoonka isagoo madax ku dhaliyay goolkii labaad ee Blues wuxuuna hanjabaad joogta ah ku ahaa kooxda martida aheyd ee Burnley.

Xiddigaha kale ee ku qaab ciyaareedka ahaa islamarkaana wacdaraha dhigay waxaa ka mid ah Mason Mount oo si fiican uga shaqeeyay qadka dhexe halka da’ yarka daafaca ah Reece James uu isna wacdarro dhigay kulankii maanta isagoo xureystay garabka midig. Wuxuu caawiye ka ahaa goolkii Tammy Abraham isagoosoo qaaday karoos cajiib ah.

Qiimeynta Ciyaartoyda:

Chelsea: Kepa (6), James (8), Rudiger (7), Christensen (7), Azpilicueta (7), Jorginho (7), Barkley (7), Mount (8), Willian (7), Hudson-Odoi (7), Abraham (8).

Bedel ma aysan isticmaalin Chelsea

Advertisements

Burnley: Pope (7), Lowton (6), Tarkowski (6), Mee (6), Taylor (6), Hendrick (6), Westwood (6), Cork (6), McNeil (6), Lennon (5), Wood (5).

Bedel: Vydra (5).

Leave a Reply

Your email address will not be published.