Laacib Manchester United Ah Oo Maxkamad Lasoo Taagay Iyo Xukunka Lagu Riday

Difaaca Manchester United ee Brandon Williams ayaa lasoo taagay Maxkamad Khamiistii shalay, waxaana lagu riday xukun kaddib markii ay dacwad kusoo oogeen boolisku.

Advertisements

laacibkan ayaa kasoo muuqday maxkamadda Mould Magistrates Court maalintii Khamiista iyadoo uu wehelinayo qareenka caanka ah ee Nick Freeman oo uu ku lammaan yahay Mr Loophole, waxaana halkaas lagu dhegaystay qalad dhinaca waddo-marista ah oo uu galay.

Brandon Williams ayaa ku eedaysnaa in xawaare xad-dhaaf ah uu ku kaxeeyey baabuurkiisa, waxaase uu soo diyaar-saday qareenka aadka loo tixgeliyo ee Freemann oo hore ugu soo dooday David Beckham, Frank Lampard iyo Jeremey Clarkson, waxaana uu ka jawaabay su’aalihii ay weydiisay maxkamadda Mold Magistrates Court.

Brandon Williams ayaa lagu helay in uu booliska siin waayey macluumaadkii saxda ahaa xilli uu baabuurkiisa Mercedes GLE 300 ku kaxeeyey sawaare aad u dheer, taas oo keentay in lagu rido ganaax £50,000 Gini ah.

Advertisements

Baabuurkan oo uu mulkiyaddeeda ku qoran yahay Williams ayaa ay ugu dambayntii caddaatay in maalintan uu qaladku dhacay aanu isagu wadin oo uu ku sugnaa hotelka Lowry Hotel oo ay kooxdiisu ku sugaysay inta ay gaadhaysay ciyaartii Bournemouth.

Gaadhiga oo uu watay qof kale ayaa ku socday xawaare 85mph ah goob loogu talo-galay in lagu socdo 70mph, waxaana boolisku ay ganaax keeneen guriga Brandon Williams, laakiin aabbihii Paul ayaa qirtay in uu isagu waday baabuurka waqtigaas.

Si kastaba, maxkamadda ayaa xukun ku ridday Brandon Williams maadaama aanu booliska si fiican ula shaqaynin, isla markaana aanu siinin macluumaadkii saxda ahaa ee laga doonayay.

Maxkamadda ayaa ku amartay Williams inuu bixiyo lacag dhan £1,000 Gini oo ganaax ah.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*