LA YAAB: 2014 Ayuu Ku Biiray Inter Milan, Waligiis Uma Ciyaarin Kooxda Hadana Casaankiisii Labaad Ayuu Qaatay Shalay

Waxaa laga yaabaa inaadan waligaa maqlin Tommaso Berni.

37 jirkaan ayaa ah goolhayaha seddexaad ee Inter Milan laakiin ma uusan u ciyaarin kooxdatan iyo markii uu kaga soo biiray Torino 2014.

laakiin inkastoo uusan dheelin muddo lix sannadood ah, Tommaso Berni ayaa qaatay casaankiisii labaad ee intii uu joogay Inter Milan isbuucaan.

Berni ayaa fadhiyay kursiga keydka intii ay socotay kulankii ay Inter 2-1 kaga badisay Parma shalay oo Axad aheyd, laakiin waxaa la siiyay casaan markii uu hadalo aflagaado ah ku yiri garsooraha daqiiqadii 68aad.

Waa markii labaad oo sidaan casaan lagu siiyo xilli ciyaareedkan.

Bishii Janaayo Berni ayaa casaan la siiyay ka dib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay Inter barbaraha 1-1 la gashay Cagliari. Wuxuu si kajan ah ugu hor sacbiyay garsooraha madaama uu casaan siiyay Lautaro Martinez.

Waxaa la sheegayaa in goolhayaha uu mushahar ahaan u qaato sannadkii 200 kun euro. Ma ahan lacag xun madaama uusan hal daqiiqo xitaa ciyaarin balse uu labo casaan ah qaatay.

Qandaraaskiisa ayaa la gaarsiiyay ilaa iyo dhamaadka bisha Agoosto sidaasi darteed waxaa macquul ah in Berni uu casaan seddexaad qaato isagoo aan cagta gelinin garoonka.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*