LA OGAADAY: Tababaraha Markasta Taleefanka Ku Waca Erling Haaland Ee Waxkasta U Samaynaya Si Uu U Helo Oo La Magacaabay

Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa xilli horeba bilaabay dhaq-dhaqaaqyada uu ku doonayo inuu xagaaga sanadkan kula soo saxeexdo weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland.

Advertisements

Xiddiga ree Norway ayaa la filayaa inuu dhammaadka xilli ciyaareedkan iskaga tagi doono Borussia Dortmund gaar ahaan iyadoo hadda shaki weyni ku jiro haddiiba ay usoo bixi doonaan Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Xaqiiqada ah in suuqa laga heli karo ayaa dhalisay in inta badan kooxaha Yurub ugu waaweyni ay saxeexiisa ku tartamaan, Ole Gunnar ayaa isaguna dhinaciisa adeegsanaya xidhiidhka fiican ee uu la leeyahay ciyaaryahanka ay Norway kasoo wada jeedaan.

Iyadoo ay sidoo kale xiiso weyn u qabaan saxeexa Haaland kooxo laga magacaabi karo Chelsea, Manchester City iyo Real Madrid ayuu Ole isku dayayaa inuu si gaar ah ugu qanciyo inuu Old Trafford kula soo biiro.

Advertisements

Wargeyska ree Spain ee AS ayaa hadda shaaca ka qaaday in tababare Solskjaer uu si toos ah markasta ula xidhiidho oo uu taleefan ugu waco Haaland isaga oo isku daya inuu ka iibiyo mashruuca Manchester United.

Solskjaer iyo Haaland ayaa ahaa kuwo kusoo wada shaqeeyay kooxda Molde waxaana uu markale tababaraha Red Devils ku rajo weyn yahay inay dib ugu midoobi karaan Old Trafford.

Haaland ayaa markale xilli ciyaareedkan muujiyay nooca weeraryahan ee uu yahay isaga oo 39 gool kusoo dhaliyay 36 kulan oo uu kooxdiisa iyo xulkiisaba u ciyaaray.

Wargeyska Sportsmail ayaa sheegay horraantii bishan March in Erling lagu heli karo lacag 90 Milyan oo pound ah waliba ay kooxdiisa Dortmund ogoshahay in lacagta wakhtiyo kala duwan lagu bixiyo.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*