LA OGAADAY: Shuruuda Kaliya Ee Ku Xidhan In Pep Guardiola Uu Gabi Ahaanba Iska Casilo Shaqada Man City Oo Buug Uu Qoray Laga Ogaaday.

Advertisements

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola waa mid kamida shaqsiyaadka booskiisa oo kale haysta kuwooda ugu amaanka badan markasta ee aan caydhin ka werwerin balse isaga qudhiisa ayaaba tanaasuli doona haddii shuruud uu dhigay ay dhacdo.

Pep ayaa xilli ciyaareedkiisii afraad ku qaadanaya Etihad Stadium waxaana saddexda xilli ciyaareed ee uu soo dhammaystay uu kusoo hoggaamiyay City koobab tiro badan oo ay laba horyaal oo Premier League ahi ugu waaweyn yihiin.

Guardiola ayaan wali kooxdaas u rumayn hammigeeda ah inay ku guuleysato tartanka UEFA Champions League balse xilli ciyaareedkan ayay qabaan dareenka ah inay meel wanaagsan ka gaadhi doonaan.

Dhinaca kale waxa ay haatan booska labaad ka fadhiyaan miiska kala sarreynta ee horyaalka iyagoo farqi weyn oo siddeed dhibcood ah ka dambeeya kooxda majaraha haysa ee Liverpool.

Si kastaba, Hal shuruud oo waxkasta ka qasi karta maamulka sarre ee City isla markaana ay ku waayi karaan Pep oo ay rajo badan ka qabaan ayaa ah inuu kooxda ka dhaqaajin doono haddii aysan waxba u soconin sidii loo qorsheeyay.

Advertisements

Sida lagu sheegay wargeyska The Sun, Guardiola ayaa ku yidhi buug uu qoray oo la yidhaa “City-da Pep – Samaynta koox cajiib ah” Qoraal uu ku leeyahay “Isagu (Guddoomiye Khaldoon Al Mubarak) wuu ogyahay inaan is casili doono haddii aan arrimaha la qorshayn”.

“Waxkasta ayaan samayn doonaa si aan midaas uga fogaado waxaanan samayn doonaa dadaal kasta oo aan arrimaha hore ugu dhaqaajiyo”.