LA OGAADAY: Shaqsiga Ugu Cad Cad Hanashada Abaalmarinta THE BEST Ee Caawa La Bixinayo Oo La Ogaaday – Ronaldo, Messi Mise Van Dijk?

Advertisements

Waxa caawa loo balansan yahay bixinta abaalmarinta xiddiga sanadka ee ay bixiso hay’ada ugu sarreysa kubadda cagta caalamka ee FIFA loona yaqaano The Best oo haatan sanado kooban jirta.

Saddexda murashax ee abaalmarintan ku loolamaya ayaa kala ah Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Virgil Van Dijk oo hore isagu labada xiddig ee kale ugu soo garaacay abaalmarintii xiddiga sanadkan ee qaarada Yurub.

Sida uu sheegayo wargeyska AS, Daafaca Liverpool ee Van Dijk ayaa ah xiddiga ugu cad cad ee ku guuleysan doona abaalmarintan caawa ka qabsoomi doonta magaalada Milan.

Daafacan ree Holland ayaa ahaa wadnaha daafaca Liverpool isaga oo soo sameeyay bandhig loogu arkay mid kamida daafacyada ugu wanaagsan dunida kooxdiisana kusoo guuleeyay koobka ugu xiisaha badan heer kooxeed ee UEFA Champions League.

Marka laga yimaado inuusan ku guuleysan horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, VVD ayaa loo arkayay inuu xubin muhiim ah ka ahaa xiddigihii Reds ee cadaadiska ilaa maalintii ugu dambaysay ku hayay Manchester City.

Advertisements

Dhinaca kale warka wanaagsan ee uu heli doono ciyaartoyga abaalmarintan hanta ayaa ah in tan iyo markii ay FIFA samaysay abaalmarintan sanadkii 2016 uu xiddiga ku guuleystay sidoo kale ku guuleysanayay abaalmarinta Ballon d’Or ee uu haatan gaarka u bixiyo wargeyska France Football.

Cristiano Ronaldo iyo Luka Modric ayaa ah ilaa haatan labada ciyaartoy ee kaliya ee The Best kusoo guuleystay tan iyo samaynteedii waxaana ay sidoo kale raacsadeen abaalmarinta Ballon d’Or.