LA OGAADAY: Dareenka Xiddigaha Barcelona Ay Tababare Valverde Ka Qabaan Kaddib Ceebtii Xalay Oo La Ogaaday – Miyay In La Caydhiyo Doonayaan?

Advertisements

Barcelona ayaa xalay la kulantay qalbi jab kale kaddib guuldarro xanuun badan oo kasoo gaadhay kooxda Granada oo ay booqdeen isla markaana 2-0 kaga soo guuleysatay xilli uu cadaadis waali ahi sii fuulayo tababare Ernesto Valverde.

Valverde ayaa kulanka kaddib la hadlay saxaafada isaga oo u sheegay inuu qaadayo masuuliyada guuldarrada kulankaas, Il wareedka ESPN ayaa haatan soo saaray war ku saabsan dareenka ay qaar kamida xiddigaha kooxdu ka qabaan tababarahooda.

Tan iyo guuldarradii kasoo gaadhay Liverpool xilli ciyaareedkii hore, Tababare Valverde ayaa haystay taageerada xiddigaha kooxda si lamid ah boodhka sarre ee kooxda kuwaas oo taageeray suuqii xagaagan isla markaana shaqada ugu daayay sababtoo ah qaabka wanaagsan ee uu qolka labiska u maamulo.

Haatan, ESPN ayaa sheegaya in qaar kamida xiddigaha kooxdaasi ay ka aamin baxeen tababare Valverde oo ay u arkaan mid aan intaa wax ka badan shaqada u qalmin.

Advertisements

Sidoo kale isla wargeyskaas ayaa sheegaya in shaqsiyaad ku dhaw dhaw madaxweynaha Barca ee Josep Maria Bartomeu ay u sheegeen inuusan Bartomeu wax deg deg ahi ku jirin oo uusan go’aan deg deg ah qaadan doonin.

Kulankii xalay kaddib ayay ahayd markii mid kamida madaxda sarre ee Barcelona uu saxaafada u sheegay in shaqada Ernesto aysan wali wax halis ah ku jirin.