Kumuu Ahaa Xiddiga ‘Ronaldo Cusub’ Ee Maanta Markii Ugu Horreysay Lagu Dhex Arkay Manchester United?

Advertisements

Xarunta tababarka Manchester United ee Carrington ayaa maanta lagu sawiray Ronaldo-ha cusub ee Red Devils ay lasoo wareegtay bishan January ee Amad Diallo, kaas oo markii ugu horreysay maanta yimid halkaas.

Manchester United ayaa laacibkan da’da yar ee aadka loo qiimeeyo lasoo saxeexatay maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagii, laakiin sida uu heshiiskaasi dhigayay waxa uu Manchester United soo gaadhay toddobaadkan.

Red Devils ayaa laacibkan £19 milyan oo Gini kaga soo iibsatay kooxda Talyaaniga ah ee Atalanta, waxaase lacagtaas ku kordhi kara £18 milyan oo kale haddii sida heshiisku dhigayo uu kula guuleysto horyaallo iyo Champions League.

Toddobaadkii hore ayay Manchester United xaqiijisay in Diallo uu u xidhan doono No.19.

Da’yarkan ayaa maanta waxa uu yimid xafiisyada iyo garoonka tababarka ee kooxda, isaga oo la kulmaya ciyaartoyda waaweyn ee kooxda.

Markii uu dhamaystiray heshiiska uu ku yimid United ayuu yidhi: “Ugu dambayn riyadaydii ahayd inaan u dhaqaaqo Manchester United way rumowday. Waxaan ahay ciyaartoy doonaya inuu guuleysto. Markii aan la hadlay tababaraha waxaan gartay inaan doortay kooxdii igu habboonayd ee aan la ku biiri lahaa.

“Waxaan helay waqti aan iskugu diyaariyo socdaalkan, jidh ahaan iyo maskax ahaanba, dhab ahaantiina si adag ayaan u shaqeeyey si aan iskugu diyaariyo tallaabada aan ku imid kooxdan cajiibka ah.”

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa uu laacibkani siinayaa kala-doorashooyin garbaha weerarka ah, inkasta oo uu u baahan yahay waqti uu kooxda kula qabsado.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*