Kulankii Uu Pep Guardiola Qolka Isku Xidhay Ee Uu Dareemay Inuu Heerkii Ugu Hooseeyay Gaadhay Oo Shaaca Laga Qaaday & Kooxdii Uu Kahor Tagay.

Advertisements

Wargeyska ree England ee The Sun ayaa banaanka keenay sheeko xiiso leh oo ku saabsan tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola xilli uu banaanka soo dhigay kulan uu Pep gaadhay heer uu qolku isku soo xidho.

Kulankaas ayuu wargeysku ku sheegay midkii dhex maray City iyo Everton sanadkii 2017 ee ka qabsoomay Etihad Stadium markaas oo uu Wayne Rooney goolka u dhaliyay Toffees si ay dhibcaha u kala qaybsadaan labada kooxood.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Guardiola uu aad u cadhaysnaa kulankaas kaddib isla markaana uu soo xidhay qolka uu xafiis ahaan u leeyahay isaga oo sheegay inuusan doonayn inuu cid la kulmo.

Taas ayaa la micno ah in xaaskiisa Cristina, Caruurtiisa iyo saaxiibkiisa dhaw ee Ronald Keoman oo markaas tababare ka ahaa Everton inaan loo ogolayn inay la kulmaan.

Wargeyska ayaa sheegaya in Guardiola uu ka cadhaysnaa in kooxdiisu ay dhibco lumisay waxaana xilli ciyaareedkaas ka horreeyay midkii ay City koobab la’aanta ku dhammaysatay.

Advertisements

Pep ayaa xaalada adag ka baxay xilli ciyaareedkaa isagoo ugu dambayn dhibco iyo goolal rekoodh ah City ugu hoggaamiyay horyaalka xilli ciyaareedkaas.

Manchester City ayaa labadii xilli ciyaareed ee 2017-18 iyo 2018-19 si xidhiidh ah ugu soo guuleysatay horyaalka Premier League balse xilli ciyaareedkan ayaa kaddib 8-dii kulan ee ugu horreeyay ay Liverpool 8 dhibcood kaga haysaa hoggaanka.