Kulankii Liverpool & Man United Oo Rikoodh Weyn Ka Dhigay Dalka Ingariiska

Kulankii Liverpool iyo Manchester United ku dhexmaray Anfield ayaa noqday kulankii loogu daawashada badnaa taariikhda horyaalka Premier League ee Sky Sports.

Advertisements

4.8 milyan qof oo ku nool gudaha UK ayaa daawaneysay ciyaarta iyadoo labada kooxood ay raadinayeen goolka guusha.

Laakiin taasi ma aysan dhicin iyadoo labada kooxood ee ugu waa weyn Ingariiska ay ku kala baxeen barbaro goolal la’aan ah.

Sky ayaa xaqiijisay tirada daawatay kulankii Axada iyagoo sheegay in kaliya musalsalka Game of Thrones uu ka daawasho badnaa kulankaan gudaha UK.

Waxay taasi la micno tahay in barbarihii Anfield uu noqday kulankii loogu daawashada badnaa Premier League ee UK iyagoo jabiyay rikoodhkii ay 2012 dhigeen labada kooxood ee Manchester.

Kulankaas wuxuu ku dhamaaday 1-0 oo ay Man City ku badisay ka dib gool uu madax ku dhaliyay Vincent Kompany.

Kulanka seddexaad ee loogu daawashada badnaa taariikhda Premier League waa kulankii ay Arsenal iyo Man United barbaraha 2-2 galeen bishii April.

Kaalinta afaraad waxaa ku jira kulankii ay Liverpool 3-1 kaga badisay Man City sannadkii 2019, halka kaalinta shanaad uu ku jiro kulankii dhexmaray Man United iyo Liverpool ee barbaraha 1-1 ku dhamaaday ee 2019.

Weli ma jirto kulan Premier League oo ay hal mar daawadeen shan milyan qof gudaha dalka UK, waana rikoodh weli la sugayo in la jabiyo.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*